Is-hor-taag lagu sameeyay safar uu Guudlaawe ku tagi lahaa Beledwayne

Image

JOWHAR, HirShabelle – Madaxweynaha maamulka HirShabelle, Cali Guudlaawe, ayaa lagu waramay in uu laba jeer todobaad gudahiisa ka baaqdey socdaal uu ku tagi lahaa magaala madaxda gobolka Hiiraan ee Beledwayne.

Sidda ay sheegayaan warbixinadda, baaqashadaas ayaa waxay ka dambeysay markii ay is-hor-taag ku sameeyeen maleyshiyo wadata gaadiid dagaal iyo hub culus kusoo dhawaaday garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif.

Sarkaal u hadlay maleyshiyadda ayaa sheegay in ay uga soo horjeedaan socdaalka Guudlaawe "maadaama aysan xalaal ahayn doorashadiisa".

Maleeyshiyaadkan ayaa fariisinkoodu yahay degaanka Ceel-gaal, oo dhaca duleedka Beledwayne, waxaana ay hogaaminaya Jeneraal Xuud.

Jananka ayaa kamid ahaa murashaxiinta ka hartey tartankii madaxtinimada HirShabelle ee dhowaan ka qabsoomay Jowhar, isagoo ku doodaya in Xildhibaanada lasoo xulay ay ahaayeen kuwa dhan u jaranjeera.

Sidda laga soo xigtay sarkaalka u waramay, ma jiraan wadahadalo haatan socda si loo xaliyo xiisadda, diyaarna uma aha in ay gorgortan ka galaan.

"Cali Guudlaawe hadii uu rabo in uu indha-adeeg ku yimaado ha isku yimaado, wixii uu kala kulmo ayuu leeyahay. Annaga shaqadeena ayaan haysanaa, cunugii yimaadana xoog uga soo degi karo garoonka Beledwayne," ayuu u sheegay Raadiyaha Kulmiye ee fariisinkiisu yahay magaalada Muqdisho.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu intaas ku daray "wixii dhici doona marka uu xoog kusoo dego warbixinteeda waxaan ku siin doonaa saacadaas".

Dhanka kale, Madaxtooyadda HirShabelle ayaan wali ka hadlin xaaladan. Xiriiro lala sameeyay kama jawaabin wicitaanada iyo dalabyada Garowe Online.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxtooyadda diyaarisay ciidamo ay u dirto Beledwayne. Tani waxay sare u qaadey cabsida ku aadan in uu iska hor-imaad dhexmaro labada dhinac.

Doorashadii ka dhacdey Jowhar oo ay faragelin culus ku sameysay Villa Soomaaliya ayaa lagu baalmaray hanaankii awood qeybsiga iyaddoo Hiiraan laga wareejiyay madaxweynaha, lana siiyey jagadda ku xigeenka.

Gadoodka maleeyshiyaadkan ayaa u muuqda mid salka ku haya talaabadaas ay dhiiragelisay Madaxtooyadda Soomaaliya, wallow wararku xusayaan in heshiiska lagu wareejiyay ay qayb ka tahay in Hiiraan loosoo raro caasimadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM