Isbadal lagu sameeyey garsoorka Somaliland

Image

30 Augusto, 2015(GO)-Garsoorka Somaliland ayaa lagu sameeyey isku shaandhayn  isugu jirta xilalka qaadis iyo bedalid lagu sameeyey in ka badan 90 xubnood.

Guddida cadaaladda Somaliland ayaa soo saaray go’aankan isku shaandhaynta ah ,waxaana xubnaha arintani saameysay ka mid ah gudoomiyaasha maxkamadaha gobolada, degmooyinka, xeer ilaaliyaayaal, iyo garsorayaal, sida warbaahinta u sheegey wasiirka cadaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid.

Go’aankan ka soo baxay guddida cadaaladda ayaa waxaa xilkii lagaga eryey 16 xubnood oo iskugu jiray garsoorayaal iyo ku-xigeeno xeer Ilaaliyayaal Guud, kuwaasi oo ka hawl-galayey maxkamadaha goboladda Maroodi-jeex, Togdheer, Sanaag, Saaxil iyo Sool.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM