Axmed Madoobe oo Isku shaandheyn ku sameeyay Wasiiradiisa

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa isku shaandheyn lama filaan ah ku sameeyay maanta oo Arbaco ah Gollaha Wasiiaradda.

Wareegto kasoo abaxday Xafiiska Axmed Madoobe ayaa lagu shaaciyay Isku shaandheynta, taasi oo loo cuskaday inay jirto baahi loo qabo dardar-gelinta howlaha fulinta dowlad goboleedka.

Isku-shaandheynta oo ah mid Xilka qaadista iyo magacaabis ah ayaanan wax saameyn ah ku yeelan Wasiirada miisaanka culus ee ku dhaw Axmed Madoobe, sida amniga, Arrimaha Gudaha iyo Wasiiro kale.

Lix wasiir oo cusub ayaa lagu soo daray Gollaha, halka shan kale loo wareejiyay boosas kale.

Tallaabadan uu qaadey Axmed Madoobe ayaa imaanaysa xilli uu sii dhamaanayo mudo-xileedkiisa, oo ku eg billowga 2019, iyadoo Siyaasiyiin badan ku eedeynayaan Madaxweynaha inuu raadinayo mudo korarsi.

HALKAN KA AKHRI WAREEGTADA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Natiijo horey loo saadaalinayay oo kasoo baxday doorashadii Galmudug

Mucaaradka iyo qaar ka mid ah ururrada siyaasadda ayaa horey u muujiyay walaac ku saabsan hannaanka doorashada.

  • Soomaliya

    03-08-2026

  • 07:25PM

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo Dib u Celiyay Baasaboorka Kenya

Go’aankan ayaa yimid kadib markii Jibriil bishii Juun laga celiyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ee Nairobi.

  • Soomaliya

    03-08-2026

  • 02:08PM