Israsaasayn ka dhalatay khilaafka haamaha shidaalka Berbera

Image

21 Octobar, 2015(GO)-Booyad shidaal oo mareysay wadada u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera ayaa maanta dabley ay rasaas la dhaceen, sida gudoomiyaha gobolka Saaxil ee Berbera Fahmi Cabdi Bidaar uu BBC u xaqiijiyay goor dhoweyd

Waxaa kaloo gudoomiyuhu uu cadeeyay in dabley kale iyana rasaas ka rideen saaka wadada u dhaxaysa Berbera iyo magaalada sheekh .

Wuxuu intaa ku daray gudoomiyuhu inay garanayaan dhallinyarada wadooyinka ka baxa berbera rasaasta ka rideysa, oo imikaba ayuu yidhi ay ciidamo boliis oo ka soo kala baxay Berbera iyo Hargeysa ay ku raad joogaan dhallinyaradaasi.

Shan nin oo ka soo jeeda dadka deegaanka Berbera ayaa midkiiba min hal bil oo xadhig ah ay ku xukmeen gudiga nabad gelyada ee gobolka Saaxil , sida uu BBC u xaqiijiyay gudoomiyaha gobolku Fahmi Cabdi Bidaar .

Guddoomiyaha ayaa sababta raggaasi loo xiray ku sheegay inay tahay iyagoo abaabul ciidan ka waday wadooyinka ka baxa magaalada Berbera .

Warar madax banaan ayaa sheegaya in dadweynaha deegaanka Berbera badidoodu ka soo horjeedaan go'aanka xukuumaddu ugu wareejisay haamaha keydka shidaalka ee Berbera sharikao ganacsi oo aan tartan furan u soo marin , iyadoo Baarlamaankuna hore cod aqlabiyad ah uu ku diiday wareejinta haamaha shidaalka ee Berbera.

Xigasho: BBC

Related Articles

Fahfaahin: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka saakay ka dhacay Damaanyo, oo ah meel muhiim ah oo AS bartilmaameed u ahayd.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 08:31AM

Taliye Cabdiraxmaan Hujaale oo lagu dilay duleedka Moqokori ee gobolka Hiiraan

Tan iyo 2022, dhowr taliyayaal oo sare ayaa lagu dilay Koonfurta Soomaaliya, taasoo muujineysa xaaladda amni ee cakiran ee dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 03:17PM