Itoobiya oo Ciidamo cusub u tababartay dowladda Soomaaliya

Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Dowladda Itoobiya ayaa ciidamo cusub u tababartay Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka noqonaya howlgalka Al Shabaab looga saarayo dalka.

Ku dhawaad 150 Askari ayaa ka faa'idaysay tababarkan oo lagu siiyay xero ku taalla magaalada Kismaayo, oo saldhig u ah ciidamada Itoobiya.

Cismaan Axmed Aadan, oo ah Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, qeybta 43aad ayaa ka qeyb-galay munaasabada tababarka loogu soo xiray ciidamada, isagoo uga mahadceliyay Itoobiya tababarka ay siisay Askarta cusub.

Tababarka ay qaateen ciidamadan oo socday mudo 15 maalmood ah ayaa waxaa lagu baray Shiishka sare, Adeegsiga Hubka culus iyo sida looga dagaalamo meelaha keymaha ah.

Ciidamada ayaa ku biirayaan kuwa horey tababar loo siiyay oo loo diyaariyay howlgallada lagu xureynayo deegaanada Jubbaland ee ay haysato Kooxda Al Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 01:16PM

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM