Itoobiya oo Ciidamo cusub u tababartay dowladda Soomaaliya

Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Dowladda Itoobiya ayaa ciidamo cusub u tababartay Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka noqonaya howlgalka Al Shabaab looga saarayo dalka.

Ku dhawaad 150 Askari ayaa ka faa'idaysay tababarkan oo lagu siiyay xero ku taalla magaalada Kismaayo, oo saldhig u ah ciidamada Itoobiya.

Cismaan Axmed Aadan, oo ah Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, qeybta 43aad ayaa ka qeyb-galay munaasabada tababarka loogu soo xiray ciidamada, isagoo uga mahadceliyay Itoobiya tababarka ay siisay Askarta cusub.

Tababarka ay qaateen ciidamadan oo socday mudo 15 maalmood ah ayaa waxaa lagu baray Shiishka sare, Adeegsiga Hubka culus iyo sida looga dagaalamo meelaha keymaha ah.

Ciidamada ayaa ku biirayaan kuwa horey tababar loo siiyay oo loo diyaariyay howlgallada lagu xureynayo deegaanada Jubbaland ee ay haysato Kooxda Al Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM

Dowladda Soomaaliya oo Abaabul Dagaal Ka Wada Shabeellaha Dhexe

Ololahan cusub ayaa qayb ka ah ballanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa inuu qaado.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 11:31AM