Itoobiya oo "dhexdhexaadisay" hogaanka gobolka Gedo

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Dowladda Itoobiya ayaa "xal wada-ogol ah" kusoo afmeertay khilaafka dhanka hogaanka ah oo muddo ka aloolsanaa gobolka Gedo, sidda ay muujinayaan warbixinadda soo baxaya.

Fahfaahinta ayaa intaas ku daraysa in mas'uuliyiin ka socdey Dowlad Degaanka oo kasoo talaabay xuduudka ay xaliyeen khilaafka oo u dhaxeeyay Gudoomiyaha gobolka Gedo iyo madaxa sirdoonka.

Gudoomiye Axmed Buule iyo Taliye Bakal Koke ayaa lagu waramay in ay isku-maan-dhaafeen qaabka ay u qeybsanayaan canshuurta laga uruuriyo waddooyinka gobolka.

Kadib munaasabad ka dhacdey magaalada Doolow, labada mas'uul ayaa balanqaadey in ay wadashaqeyn doonan ayna diiradda saari doonan sidii loogu adeegi lahaa dadka shacabka iyo amniga.

Gobolka Gedo ayaa muhiimad istaraatiijiyadeed u leh Addis Ababa. Muddo sanado ah, ciidamo Itoobiyaan ah oo aan ka tirsaneyn howlgalka Midowga Afrika ayaa halkaas u jooga xakameynta Al-Shabaab.

Weerarka bishii August ay xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ku qaadeen bariga Itoobiya ayaa ku qasbay mas'uuliyiinta Addis Ababa in ay adkeeyaan ammaanka xuduudaha Soomaaliya.

Maamulkii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gobolka Gedo geeyay ciidamo daacad u ah. Balse, waxaa arrinkaas ka gadoodey Jubaland oo askar ku daabushay waxaana halkaas ka dhashay isku-dhac.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaan wali ka falcelin warkan lamana ogga haddii ay ogaal u tahay qadiyaddan. Isku-dayo xiriir oo saxaafadda ay la sameysan ayaa kusoo gabagaboobay natiijo la'aan.

Hogaanka cusub ee Soomaaliya ee la doortey 15-kii May, 2022 ayaan wali soo bandhigin aragtidiisa ku saabsan xiisadda gobolka Gedo oo kamid ahayd waxyaabihii aadka u daahiyey doorashadii madaxtinimada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM