Jabuuti oo kordhinaysa tirada ciidamada ka jooga Soomaaliya

Image

Jan 9, 215 (GO)- Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti Maxamed Cali Yuusuf ayaa sheegay inay kordhinayaan tirada ciidamada ka jooga Soomaaliya ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM.

Hadalkan ayuu sheegay xilli uu maanta warbaahinta kula hadlayay magalada Muqdisho oo u yimi ka qayb galka shirka wasiirrada arrimaha dibadda IGAD oo barrito furmayo.

Yuusuf ayaa sheegay kun Askari oo millatari iyo boolis isagu jira inay keeni doonaan gudaha dalka si ay uga qayb noqdaan howlgalka Midowga Africa ee lagu damacsan yahay in lagu soo afjaro kooxda Al-Shabab.

Waxa uu sheegay inay ka go'an tahay garab istaaga DFS iyo shacabka Soomaaliyeed, shirka barri furmaya uu ahmiyad gaar ah u lee yahay Soomaaliya maadama looga hadlayo xaalada wadanka iyo hormarka dagaalada Al-Shabab laga gaaray.

Jabuuti oo qayb ka ah howlgalka AMISOM ayaa ciidankeedu waxa uu ku sugan yahay Gobalka Hiiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM