Jadwalka doorashada Guddoonka Gollaha Shacabka oo la soo saaray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudiga KMG ah ee loo xil-saarey qaban-qaabada doorashada Gudoomiyaha Gollaha Shacabka, ayaa markale maanta ku kulmay xarunta Villa Hargeysa, maalin kadib markii la magacaabay.

Kulanka kadib, Gudiga oo ka kooban 15 xubnood oo wada Xildhibaanno ah, ayaa soo saarey Jadwalka doorashada Guddoomiyaha Gollaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Jadwalka oo u qeybsan afar qeybood ayaa kala ah;

1 - Is-diiwaangelinta Musharaxiinta:  23-24-ka April [Isniin iyo Talaado].

2 - Hadal-jeedinta Musharaxiinta: 25-26-ka April [Arbaco iyo Khamiis].

3 - Diyaar-garowga Gudiga: 27-29-ka April [Jimco, Sabti, Axad].

4 - Doorashada Gudoomiyaha Gollaha Shacabka: 30-ka April [Isniin].

Wasiirada Musharaxiinta ah ayaa loogu baaqey inay iska casilaan xilka wasiirnimo, islamarkaana warqadaha Is-casilaadooda usoo gudbiyaan Gudiga marka ay is-diiwaan gelinayaan.

Shuruudaha kale ee laga doonayo Musharaxiinta waxaa kamid ah inuu Bangiga Dhexe ku shubo lacag is-diiwaangelin ah oo aan cadadkeeda wali la shaacin.

Musharaxiinta dhowr ah, oo ay kamid yihiin Wasiirada Gaashaandhigga, Biyaha & Tamarta iyo Wasiir ku xigeenka arrimaha Gudaha, kuwaasi oo hadda horyaalla caqabad weyn kadib markii lagu xujeeyay inay ka tanaasulaan xilka wasiirnimo.

Wasiirka Dastuurka, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa sharci darro ku tilmaamay in Gudiga doorashada uu ka dalbado Wasiirada noonaya inay u tartamaan xilka Gudoomiyaha Gollaha Shacabka inay is-casilaan. Halkan ka akhri Warka.

Qoraalka Gudiga Doorashada:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM