James Swan oo ka degay magaalada Kismaayo

Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubaland - James Swan, ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, ayaa Axada maanta ah ka degay magaaladda Kismaayo halkaas oo uu wadahadalo kula yeelanayo hogaanka maamulka Jubaland.

Socdaalkan ayaa qeyb ka ah booqashooyin uu ergayga ku maray xarumaha maamul goboleedyada waddanka isla markaana uu xalka waara ugu goobayo is-mari-waaga ka taagan in doorashooyinka 2020-21 ay waqtigooda ku qabsoomaan.

Swan ayaa horey u booqdey magaala madaxda maamul goboleedyadda Koonfur Galbeed, Galmudug, Puntland iyo HirShabelle, isaga oo wadahadalo la yeeshay hogaamiyeyaasha dowladahan xubinta ka ah dowladda federaalka Soomaaliya.

Tagitaankiisa Kismaayo ayaa kusoo hagaagtay maalin kadib markii wakiilada Beesha Caalamka ay Villa Soomaaliya kula shireen madaxweynaah muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadka ku dhow-yahay Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Kulanka diblumaasiyiinta kadib, madaxweyne Farmaajo ayaa iclaamiyey shir wadatashi ah oo 1-da Febraayo illaa 3-da Febraayo ay magaaladda Dhuusamareeb ku yeelanayaan madaxda dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyadda.

Illo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in muddeynta kulan dhexmara dowladda federaalka iyo maamulada si ay is-afgarad u gaaraan kahor 8-da Febraayo oo waqtiga dowladda uu dhamaanayo.

Shirka ka dhacaya caasimadda Galmudug ayaa rajeynaya in diiradda lagu saaro saddexda qadiyadood ee khilaafka ka taagan yahay oo kala ah; guddiyadda, ciidamadda dowladda ka jooga gobolka Gedo iyo xulista wakiiladda maamulka Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM