Janan: Nin qurba joog ah ugama tageyno degaanadeena

Image

KISMAAYO, Jubaland – Wasiirka amniga Jubaland, Cabdirashiid Xasan Sheekh Maxamuud Cabdinuur [Janan] oo ka hadlay dagaalkii 25-kii Janaayo, 2021 ka dhacay magaalada Beledxaawo ayaa ku qeexay "dagaal sharci ah iyo jihaad".

Janan oo si cad u sheegay in "dulqaadkii uu ka dhamaadey" ayaa ku eedeeyay madaxweynaha muddo xileedkiisa sii dhamaanayo Farmaajo in uu soo xiray dhamaan albaabadii xal nabdoon loogu goobayey xiisadda gobolka Gedo.

Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, musharaxiinta iyo siyaasiyiinta ayuu uga mahadceliyey dedaalka ay ku bixiyaan xalinta qadiyadan.

"Waxaan galeynaa dagaal xaq ah oo aan sharafteena ku difaacaneyno. Dadka Beledxaawo waxaan u sheegaynaa laga bilaabo saacadan in ay naftooda iyo maalkooda badbaadsadaan oo meeshii ay ku maadan karo ay ku maataan," ayuu Janan warbaahinta ugu sheegay duleedka magaaladda Buula-xaawo.

Madaxweyne Farmaajo ayuu tibaaxay in uu ciidamadda iyo hubka qaranka u adeegsanayo sidii uu dib ugu soo laaban lahaa doorashooyinka 2020-21.

Sidda laga soo xigtay sheegashadda Janan, duulaankooda wuxuu ku wajahan yahay sidii ay dib ula wareegi lahaayeen magaaladda Beledxaawo oo Villa Soomaaliya iyo Taliska Nabad-sugida ay xoog ku qabsadeen sanadkii hore.

"Ma aqbaleyno mana ogolaan karno nin qurbo joog ah in aan uga tagno degaanadeena. Ciidamadda la qalday ee Soomaaliyeed waxaan leeyahay dhiigooda wuu noo banaan inta ay dulmiga hor-socdaan," ayuu tibaaxay.

Qadiyada gobolka Gedo waxay xudun u tahay is-mari-waaga ka taagan doorashooyinka 2020-21 ay waqtigooda ugu dhacaan si daahfuran, waxaana madaxweyne Farmaajo doonayaan in uu hanto kuraasta baarlamaanka ee gobolkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM