Jawaari iyo wafdi uu hoggaaminayo oo degmada Cadaado gaarey

Image

June 22, 2015 (GO)- Guddoomiyha Baarlammaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaarey magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud.

Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo horay degmada Cadaado ugu sugnaa, madax dhaqameed iyo boqollaal dadweyne ah ayaa ka qayb qaatay soo dhoweynta Jawaari, iyadoo ammaankana si weyn loo adkeeyey.

Muddada uu Cadaado ku sugan yahay, Guddoomiyaha Baarlammaanku wuxuu la kulmi doonaa qaybaha kala duwan ee bulshada.

Booqashada Jawaari ee Cadaado ayaa kusoo aadeysa xilli uu gabagabo ku dhow yahay shirka maamulka loogu sameynayo gobollada Galguduud iyo Koonfurta Mudug.

Jadwalka shirka oo la shaaciyey:

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay jadwalka dhameystirka shirka Cadaado ee lagu dhisayo  maamulka Galmudug.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdiramaan Maxamed Xuseen  (Odowaa) ayaa tilmaamay in muddo labo Todobaad  gudahood ah la qaban doono doorashooyinka Guddoonka Baarlmaanka, Madaxweynaha & Ku-xigeenkiisa.

JADWALKA AYAA U QORNA SIDAN:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Farmaajo: Xasan Sheekh wuxuu si ula kac ah ugu tuntay Dastuurka Soomaaliya

Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku kacay falal ka hor imaanaya dastuurka.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 09:45AM

Jubaland: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu Khatar Gelinayaa Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya

Waxay sidoo kale ugu baaqday beesha caalamka iyo saaxiibada caalamiga ah inay si dhab ah u taageeraan shacabka Soomaaliyeed.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 09:32AM