Shirka Baarlamaanada Soomaaliya oo furmay

Image
Image
Image
Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Gollaha Shacabka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta oo Talaado ah ka furay magaalada Baydhabo Shir ay isagu imaanayaa Gudoonada Baarlamaanada dowlad goboleedyada iyo kan Federaalka.

Kulankan oo socon doono mudo saddex maalmood ayaa waxaa ka qeybgalaya gudoomiyaasha baaralamaanada shanta maamul goboleed ee ka jira dalka iyo Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, oo ay wehliyeen ku xigeenkiisa 2aad iyo xildhibaanno.

Ajandaha Shirkan oo wali si rasmi ah loo shaacin, ayaa waxaa wararku ay sheegayaan in diirada lagu saari doono xoojinta xiriirka wadashaqeyn ee Baarlamaanada dowlad goboleedyada iyo midka Federaalka ah.

Gab-gabada shirka, waxaa la filayaa in gudoonada Gollayaasha Sharci-dejinta dalka ay soo saaraan war-murtiyeed wadajir ah, oo ay ku fahfaahin doonaan waxyaabaha ay kawada hadleen.

Gudoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaan ka qeybgalaynin Shirka ka socda Baydhabo, kadib markii uu bartamihii bishan uu soo saarey qoraal uu kaga soo horjeedo, kaasi oo uu u diray Madaxda maamul goboleedyada iyo Madaxweyne Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 01:16PM

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM