Jawaari oo fahfaahiyay sababta baaqashada Kulanka Gollaha Shacabka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa goordhaw qabtey Shir Jaraa'id oo uu ku fahfaahiyay sababta ka dambaysa baaqashada Kulankii Baarlamaanka.

Jawaari ayaa sheegay in Kulankii maanta dhici lahaa loo hakiyay si xal loogu helo Xiisadda iyo Khilaafka ka dhex-taagan Xildhibaanada Gollaha Shacabka, islamarkaana ay ogolaadeen codsiga Madaxweyne Farmaajo ee hakinta Kulanka.

Wuxuu tilmaamay Jawaari in sidoo kale ay aqbaleen in wadahadal laga furo xiisadda taagan, ee u dhaxaysa isaga iyo Xildhibaanada Mooshinka ka keenay, iyadoo loo tanaasulayo danta shacabka iyo duruufaha dalka uu ku jiro.

Jawaari ayaa ugu baaqay Xildhibaanada inay la qaataan go'aankiisa ku aadan aqbalaadda waan-waanta Madaxweynaha uu wado, ee lagu doonayo in qaab xasiloon oo wadahadal ah lagu dhameeyo Khilaafka Siyaasadeed ee hareeyay Hay'addii sharci-dejinta dalka.

"Waa inaan ku dadaalnaa wadajirka iyo midnimada Gollaha Shacabka, oo ah saldhigga dowladnimada," ayuu yiri Jawaari oo Saxaafadda kula hadlayay Muqdisho.

Go'aanka Jawaari ayaa yimid kadib kulanka uu Farmaajo xalay la qaatey isaga iyo labadiisa ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi kaasi oo looga hadlay sidii xal nabadeed loogu heli lahaa Khilaafka iyo Ismari-waagga taagan. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM