Jawaari oo furay dood ku saabsan mooshinka Madaxweynaha

Image

10 Octobar, 2015(GO)-Waxaa maanta magalada Muqdishu ka furmay kulan looga hadlayo mooshinka dhawaan laga keenay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud, waxaana ka soo qayb galay Ra'isal wasaaraha Somalia iyo Xildhibaano ka tirsan Barlamanka Somalia.

Shirka ayaa la sheegay in looga wadaxaajoonayo mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Xasan, waxaana horay Gudoonka Barlamanku u shaaciyay in la laalay.

Kulanka, waxaa ka maqnaa qaar ka mid ah Xildhibaanada mooshinka keenay kuwaasi oo tilmaamay inaysan ka soo qayb galayn shir lagu doonayo in lagu baajiyo mooshinkooda.

Gudoomiyaha Barlamka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ugu baaqay inay yimaadaan Xildhibaanada maqan si loo wadahadlo.

Ra'ilsa wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid ayaa ka cudurdaaray dib u dhaca ku yimi kulanka oo horay u dhici lahaa, waxaana uu xusay inuu diyaar u yahay dhagaysiga aragtida Xildhibaanada.

Qaar ka tirsan Barlamanka joogay shirka, ayaa soo jeediyay fikarado kala duwan, waxaana qaybtood qabaan inay la joojiyo kulanka maadama horay loo shaaciyay in la laalay, lana sii amba qaado shaqada Xildhibaanada.

Dooda ayaa socon doonta, walow aan la sheegin xilliga la soo gaba gabayn doono.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda oo kadib weerarkii Godka Jilicow oo ku dhawaaqday go'aan cusub

Wasiirka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay beddeshay xeeladooda weerarada kadib markii laga hortagay isticmaalka gaadiidka rayidka.

  • Soomaliya

    12-10-2025

  • 01:34PM

Kiiska Faragelinta Xasan Sheekh ee Gedo oo Jubaland gaarsiisay UN-ka

Xiisadaha u dhexeeya Muqdisho iyo Kismaayo ayaa aad u sii xoogeystay, iyadoo Kenya ay ku lug yeelatay dadaallo dhexdhexaadin ah.

  • Soomaliya

    11-10-2025

  • 12:15PM