Jawaari oo ka hadley maamulada Somalia ka jira [Dhageyso]

Image

Gudoomiyaha Baarlamanka dowladda Somalia ayaa ka hadlay maamulada dalka ka dhisan iyo magacyada warbaahintu isticmaasho oo uu sheegay inay yihiin kuwo waa faqsaneyn dastuurka KMG ah ee dalka.

Gudoomiye Jawaari ayaa dhinaca kale ka hadlay howlaha maamuladda dalka iyo magacyadda kala duwan ee siyaasiyiinta iyo warbaahintu adeegsadeen.

Jawaari oo ka qayb galay munaasibad looga hadlayay dib u eegista dastuurka qabyada ee dalka ayaa sheegay in maamullada ka jira dalka marka laga reebo Puntland yihiin kuwo aan heysan sharciyad buuxda, isla markaasna warbaahintu i ticmaali karin erayga "dowlada".

“Wax la yiraahado dowlada gobaleed annaga aragtideena Baarlamaan ahaan majiraan sharciyan, aan ka aheyn Puntland oo ka horeysay dastuurka iyo dowaladda  iyadana waxyaabo yar yar ka dhimanyihiin sida dastuurkeeda in la waafajiyo dastuurka dalka, inta kale waa maamul gobaleedyo KMG ah oo lagu dhisay go’aan siyaasi ah oo aan sharci aheyn” ayuu yiri Jawaari.

Gudoomiyaha Baarlamanka Somaalia Maxamed Cismaan Jawaari ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in la fahmo sharuudaha lagama maarmaanka u ah dhismaha maamul gobaleedyada taas oo uu sheegay in guddiga xuduudaha ee uu meel mariyey ay doorweyn ka qaadan doono arimahaan isagoon soo gudbin doono warbixinta maamulkii dhameystirma ee buuxiya shurudaha.

Jawaari ayaa meesha ka saarin in maamulka Galmudug yahay gobol iyo bar isagoo sheegey hadii aysan jirin maamulo dhameytiran maamul KMG ah waxaa noqon kara hal gobol.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM