Jawaari oo kulamo siyaasadeed kawada Nairobi

Image

NAIROBI - Gudoomiyihii hore ee Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan [Jawaari], oo haatan ku sugan dalka Kenya, gaar ahaan Nairobi ayaa la sheegay inuu halkaasi kawado kulamo siyaasadeed.

Dhinacyadda uu Jawaari la kulmayo ayaa isugu jira Xilldhibaano ka tirsan BFS iyo xubno ka socda Beesha Caalamka, kuwaasoo uu kala hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyo doorashadda Koonfur Galbeed iyo mida guud ahaan dalka ee 2020.

Wararka laga helayo Nairobi ayaa intaas ku dareysa in Jawaari uu wakiilada Beesha Caalamka u gudbiyay warqad uu ku sheegayo in howlaha Baarlamaanka ay yihiin kuwa "fadhiid ah" tan iyo markii uu isaga xafiiska ka tegay.

Sidoo kale, illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in Jawaari uu doonayo inuu sameysto Isbaheysi isaga gaar u ah, kaasoo uu doonayo inuu ugu tartamo doorashadda la filayo inay ka qabsoonto dalka sanadka 2020.

Jawaari ayaa sidoo kale ku fekeraya inui isku soo taagida Doorashadda Madaxwaynaha Koonfur Galbeed oo degaan ahaan isaga laga soo doortay, taasoo sanadkaan ka xamaasad badan kuwii hore, maadaama Shariif Xasan loolan adag uu wajahayo.

Doorashadda Soomaaliya ee 2020, taasoo la filayo inay noqoto qof iyo cod ayaa waxaa haatan la dareemayaa in dowladda iyo mucaaradka ay wadaan diyaar-garow xoogan oo ay ku doonayaan inay iskugu diyaarinayaa codbixintaas taariikhiga ah.

Jawaari oo haatana ah Xilldhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xilka Gollaha Shacabka iska casilay bishii April ee sanadkaan kadib markii mooshin ay ka keeneen xubno katirsan Baarlamaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo uga Digay Dowladda Soomaaliya in Awood loo Adeegsado Dibad-baxayaasha

Dhanka kale, laamaha amniga ayaa ku doodaya inay ka hortagayaan kooxo raba inay qalqal geliyaan nabadgelyada caasimadda.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 09:33AM

Shacabka Mandheera oo Dalbaday in Laga Saaro Ciidamada Jubaland Kadib Weerarkii Dadka Lagu Laayay

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya, Rigathi Gachagua, ayaa sidoo kale ku baaqay in ciidamada Jubbaland laga saaro dhulka Kenya.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 06:07AM