​Jawaari oo la kulmay xubno katirsan beesha Caalamka iyo murashaxiinta Madaxweynaha Somalia

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Guddoomiyaha Barlamanka Federaalka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa magaalada Muqdishu caasumadda Somalia kula kulmay xubno katirsan beesha Caalamka iyo qaar kamid ah murashaxiinta u tartamaysa xilka Madaxweynaha dalka.

Shirkan oo ka dhaxay xafiiska Jawaari, waxay dhinacyadaasi uga hadlayeen arrimaha doorashada Somalia iyadoo loo soo jeediyay codsi ku aadan sidii waddanka uga dhici lahayd doorasho xalaal ah.

Kulanka, waxaa joogay wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia Michael Keating, wuxuuna hambalyo u diray Xildhibaanada cusub iyo xubnaha kusoo baxay doorashadii dhacday Todobaadkii hore, isagoo sheegay inay rajo ka qabaan is-badal ka dhaca dalka.

"Waxaan ka rajaynaynaa Barlamanka Cusub, Wajiyada Cusub, haweenka tirada badan iyo xubnaha da'da yar inay horseed ka noqdaan guusha Somalia,"Ayuu yiri Danjire Keating oo qoraal kooban kulanka kadib ku baahiyay Twitterka.

Qaar kamid ah murashaxiinta, ayaa ka codsaday Afhayeenka Barlamanka inay sameeyaan habraac rasmi ah oo ku aadan doorashada Madaxweynaha taasoo noqon karta mid ay isku halayn karaan dhammaan murashaxiinta waddanka oo idil.

Sidoo kale, waxay dalbadeen in warbaahinta Qaranka noqoto mid si siman u adeegsan karaan murashaxiinta iyo mas'uuliyiinta xil doonka ah ee talada dalka wali haya.

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa shirkaas kadib sheegay in Barlamanku ka shaqayn doono maslaxadda dalka isagoo soo dhaweeyay shirka ay la qaateen mas'uuliyiinta heer caalami iyo murashaxiinta dalka intaba.

Shirkan ayaa yimid Saddex maalin kadib xilli Prof, Jawaari xilkan loo doortay markii labaad oo is-xigta, waxaana golaha shacabka looga fadhiyaan inay soo saaraan habraaca doorashada iyo waliba waqtiga rasmiga ah ee ay dhici doonto doorashada Madaxweynaha Somalia oo ilaa hadda aan la hubin xilliga ay noqon doonto inkastoo madashu iclaamisay in laga dhigo dabayaaqada bishan aan ku jirno January, 2017.

GAROWEONLINE

Related Articles

Muqdisho oo Lagu Daahfuray Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed Markii Ugu Horreysay

Guddoomiyaha Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed, Yaasiin Maxamuud Cibaar, ayaa khudbad dhiirrigelin leh ku tilmaamay furitaanka suuqan.

  • Soomaliya

    21-06-2025

  • 02:50PM

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee Muqdisho oo dib loo dhigay kadib fashilkii shirkii hore

Dowladda federaalka ayaa ku dhawaaqday in shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee dib loo qorsheeyay uu qabsoomi doono 15-ka bisha Luulyo.

  • Soomaliya

    21-06-2025

  • 07:18AM