Jawaari oo loogu baaqay inuu iscasilo iyo wararkii ugu dambeeyay

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada wada Mooshinka ka dhanka ah Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawaari, ayaa maanta Shir Jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada oo ay hogaaminayso Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa ugu baaqay Jawaari inuu iscasilo, iyagoo ku eedeeyay inuu ku xad-gudbay Dastuurka iyo Xeerka Baarlamaanka.

Shirka Jaraa'id waxaa kasoo muuqday Sheekh Aadan Madoobe, Afhayeenkii hore ee Baarlamaankii KMG ahaa ee dowladdii Sheekh Shariif iyo Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, oo isna Wasiir kasoo noqday dowladdii Allah ha u naxariistee Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Khadiija Maxamed Diiriye, oo katirsan Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa sheegtay in sharci darro ay ahayd in Mooshinka Jawaari kasoo gudbiyeen lagu furo ama looga hadlo meel ka baxsan Xarunta Gollaha Shacabka.

Wasiir Khadiija oo kamid ah Xildhibaanada hor-boodaya Mooshinka ayaa Shirka Jaraa'id ku weerartay Shaqsiyada Jawaari, oo wax ka sheegtay aqoontiisa, waxayna cambaareysay hadalkii uu xalay Jawaari ka sheegay Shirka Jaraa'id ee uu ku qabtay Xafiiskiisa.

"Mar hadii la aqbalo Mooshinka cid ka noqon kartaa ma jirto, illaa laga geeyo Gollaha Shacabka, hadii uu mudo 15 maalmood uu ku gaari waayo Mooshinka 184 Xildhibaan, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari waa gudoomiyaha Gollaha Shacabka, hadii uu helo  codka saddex meelood labo meel, Gollaha Shacabka wuxuu dooranayaa Gudoomiye cusub," ayay tiri Khadiija.

Hadalka Xildhibaanada mucaaradka ku ah Jawaari ayaa kusoo beegmaya xilli maanta uu baaqday Fadhiga Gollaha Shacabka, kaasi oo looga doodi lahaa Mooshinka muranka khilaafka dhaliyay, kaasi oo Beesha Caalamka walaac ka muujisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM