Jawaari oo magacaabay Guddi waanwaan [Akhri magacyada]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta magacaabay Gudii cusub, oo wakiil uga noqonaya wadahadallada lagu xalinayo Khilaafka ka taagan mooshinka laga keenay.

Guddoomiye Jawaari ayaa ku dhawaaqay Guddi ka kooban 8 xubnood, kuwaasi oo kala ah; 

  1. Maxamed Cumar Iymow
  2. Liiban Cismaan Cabdiraxmaan
  3. Dr Cabdifataax Ismaaciil Daahir
  4. Xassan Cabdi Ismaaciil
  5. Axmed Macallin Fiqi
  6. Fawziya Maxamed Sheekh
  7. Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan
  8. Aamina Xassan Cali

Guddigan ayaa la magacaabay kadib markii dhawaan garabka Xildhibaanada ee kasoo horjeeda Jawaari ay diideen inay la xaajoodaan/wadahadlaan Gudi horey u magacaabay oo uu gudoomiye ka ahaa Caddow Cali Gees.

Dhinac kale, Xildhibaanada Mooshinka keenay ayaa magacaabaya Guddi kale oo u matala wadahaladda xalka loogu raadinayo Ismari-waagga ka taagan Mooshinka kalsooni kala noqoshada ee ka dhanka ah Jawaari.

Arintan ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli uu socdo isku dayo lagu qancinayo Jawaari inuu xilka ka tanaasulo, oo is-casilo kahor kulanka Isniinka ee Gollaha Shacabka iyo in uu ogolaado in la guda galo Mooshinka, oo cod qarsoodi ah loo qaado.

Xildhibaanada taageersan Jawaari ayaa qaarkooda diidan inuuu iscasilo, iyadoo kuwa kalena ay usoo jeediyeen inuuu aqbalo Mooshinka in la horgeeyo Gollaha Shacabka, kadibna ku qanco natiijada codka loo qaadi doono. Halkan ka akhri Warbixinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM