Jawaari oo Muqdishu kula kulmay Murashaxiin
MUQDISHU, Somalia- Guddoomiyaha dhawaan markii labaad la doortay ee Barlamanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa xarunta Villa Hargaysa ee ay ku shiraan Xildhibaanada golaha shacabka dalka, ku qaabilay qaar kamid ah murashaxiinta xil doonka ah.
Jawaari, ayaa qaabilay Xubno ay ku jireen; Madaxweynihii hore Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Cabdiraxmaan Farole oo katirsan Aqalka Sare, Canab Maxamed Daahir iyo Maxamed Axmed Jabarti.
Ujeedka kulankaas ayaa wararka Warsidaha GO ka helayo sheegayaan inay iska xog waraysteen arrimaha doorashada Somalia iyagoo su'aalo Guddoomiyaha ka weydiiyay waxyaabo mugdi uga jiray.
Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, aya warbaahinta u sheegay in is-aragan yimid kadib markii dalab uga yimid dhinaca murashaxiinta, isagoo ballanqaaday inay diyaar u yihiin sidii ay u qancin lahaayeen murashax kasta oo su'aalo ka qaba howlaha qaran ee socda.
Wuxuu intaas ku daray inay kawada hadleen qaabkii ay u dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ku salaysan.
Shirka labada dhinac ayaa yimid xilli barri la filay inay qabsoonto doorashada Guddoomiyaha Aqalka Sare, iyadoo waqtigaa kadib lagu wado inay is-arkaan guddoonka labada Aqal, dabadeedna soo saaraan jadwal cadaynaya waqtiga doorashada Madaxweynaha la qaban doono.
Mas'uuliyiin kudhow 20 qof ayaa raadinaya xilka Madaxweynaha Somalia.
GAROWEONLINE