Jawaari oo shaaciyay cida ka dambeysa la wareegista xarunta Gollaha Shacabka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa ka hadlay cida ka dambaysa la wareegista xarunta Gollaha Shacabka.

Jawaari oo caawa shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay Ciidamada gelinkii dambe qabsaday Dhisamaha Baarlamaanka, isagoo eeda dush uga tuurey Xafiiska Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Gudoomiyaha oo sii hadlay ayaa tilmaamay wixii dhibaato ah ee ka dhasha tallaabadan wax laga weydiin doono Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kahyre.

Wuxuu sheegay Jawaari in Hay'addii fulinta dalka [Xukuumadda] ay ku duushay caawa xarunta, islamarkaana Ciidamo uu soo amray ay qabsadeen Dhisamaha Hay'adda sharci dejinta Soomaaliya, iyadoo si xoog ah looga saarey Ciidamadii lagu ogaa.

Xarunta Gollaha Shacabka ayaa waxaa horey u ilaalin jiray 114 Askari oo Boolis ah, kuwaasi oo uu ka warhayay Gudoomiyaha Gollaha Shacabka, islamarkaana lagu siin jiray ilaalinta amaanka lacago gaar ah.

Ciidamo cusub oo katirsan dowladda ayaa galabta la wareegay amaanka xarunta oo maalinta berri ay uu ka dhacayo Kulan ay Xildhibaanada uga doodi doonaan Mooshinka laga keenay Jawaari kaasi oo uu shir gudoomin doono Cabdiweli Muudey.

"Amniga xarunta Baarlamaanka hadda gacanteena kuma jiro, wixii ka yimaada oo dhibaato ah waxaa qaadaya mas'uuliyadeeda Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, oo soo amray Ciidanka qabsaday," ayuu yiri Jawaari oo wariyaasha Xafiiskiisa kula hadlayay.

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha kama uusan hadlin eedeyntan loo jeediyay.

Jawaari oo ka hadlay Mooshinka laga soo gudbiyay ayaa sheegay in uusan Kulamada Baarlamaanka uusan shir guddoomin doonin ilaa ay ka dhamaato xiisada taagan, uuna diyaar u yahay in sida sharciga ah loo maro Mooshinka laga keenay.

Xiisada siyaasadeed ee u dhaxeysa Guddoonka Gollaha Shacabka, oo garab ka mid ah ay gadaal ka riixeyso Xukuumadda ayaa laga yaabaa inay saameyn ku yeelato kulamada Baarlamaanka Soomaaliya, oo Todobaadkii tagey u furmay Kalfadhigii 3aad. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM