Jawaari oo xal u raadinaya khilaafka Galmudug iyo Ahlusunna

Image

07 January, 2016(GO)-Wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha Barlamanka Somalia Maxamed Sheekh Cusman Jawaari ayaa maanta gaaray magalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Safarka Jawaari waxaa ku wehelinaya gudoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka iyo 25 mudane oo katirsan Barlamanka Somalia, waxaana soo dhaweyn u sameeyay saraakiil katirsan Ahlusunna.

Socdaalka wafdigan ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa lagu sheegay xal u raadinta khilaafka ka dhex aloosan Galmudug iyo Ahlusunna, waxayna kulamo laqaadan doonaan hogaamiyasha kusugan Dhuusamareeb.

Labada maamul ee kataliya gobolkaas ayaa dhawr jeer oo hore dhexmaray khilaaf sababay gacan ka hadal dad ku dhinteen, waxaana guul darraystay dadaallo dowladda Somalia iyo maamulka Cadaado ku doonayeen in wadahadal arrimahaasi lagu xalliyo.

Maamulka Dhuusamareeb kama aysan qayb galin xukuumadda lagu dhisay Cadaado iyagoo saluug ka muujiyay qaabka dowladda Somalia waxa uu maamushay.

Ahlusunna ayaa qayb weyn ka qaadatay dadaalladi ururka Al-Shabaab looga saaray meelo badan oo katirsan gobollada dhexe.

Safarka Jawaari ayaa laga yaabaa inuu arrimahaasi wax kabadalo, maadama Galmudug horay ugu dhawaaqday inay wadahadal la furayso Ahlusunna.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM