Jawaari oo xal u raadinaya khilaafka Galmudug iyo Ahlusunna

Image

07 January, 2016(GO)-Wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha Barlamanka Somalia Maxamed Sheekh Cusman Jawaari ayaa maanta gaaray magalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Safarka Jawaari waxaa ku wehelinaya gudoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka iyo 25 mudane oo katirsan Barlamanka Somalia, waxaana soo dhaweyn u sameeyay saraakiil katirsan Ahlusunna.

Socdaalka wafdigan ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa lagu sheegay xal u raadinta khilaafka ka dhex aloosan Galmudug iyo Ahlusunna, waxayna kulamo laqaadan doonaan hogaamiyasha kusugan Dhuusamareeb.

Labada maamul ee kataliya gobolkaas ayaa dhawr jeer oo hore dhexmaray khilaaf sababay gacan ka hadal dad ku dhinteen, waxaana guul darraystay dadaallo dowladda Somalia iyo maamulka Cadaado ku doonayeen in wadahadal arrimahaasi lagu xalliyo.

Maamulka Dhuusamareeb kama aysan qayb galin xukuumadda lagu dhisay Cadaado iyagoo saluug ka muujiyay qaabka dowladda Somalia waxa uu maamushay.

Ahlusunna ayaa qayb weyn ka qaadatay dadaalladi ururka Al-Shabaab looga saaray meelo badan oo katirsan gobollada dhexe.

Safarka Jawaari ayaa laga yaabaa inuu arrimahaasi wax kabadalo, maadama Galmudug horay ugu dhawaaqday inay wadahadal la furayso Ahlusunna.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM