Jawaari oo xaqiijiyay in uu is casilay iyo Wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa xaqiijiyay markii ugu horeysay inuu iska-casiley xilka Gudoomiyaha Gollaha Shacabka, ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Jawaari oo la hadlay Idaacadda BBC-da, Laanteeda Afka Soomaaliga, ayaa sheegay inuu xilka iska casilay markii uu eegay arrimo fara badan iyo inuu dalka ka badbaadiyo burbur.

Waxuu intaasi ku daray Jawaari in kulanka maalinta Arbacada ay Xildhibaanada ku yeelan doonaan Gollaha Shacabka uu ka shaacin doono Is-casilaadiisa.

Hadalka Jawaari ayaa yimid kadib markii saaka uu ku xigeenkiisa 1aad Cabdiweli Ibraahim Muudey uu kahor akhriyay Xildhibaanada warqadda Iscasilaadda Jawaari, xilli lagu waday maanta in cod loo qaado Mooshinka.

Go'aanka Jawaari uu qaatey ayaa soo afjaraya Xiisadda Siyaasadeed oo mudo ka badan hal bil ka taagnayd magaalada Muqdisho, taasi oo u dhaxaysay Xildhibaanada Gollaha Shacabka, oo ku kala qeybsamay Mooshinka la keenay bishii lasoo dhaafay.

Jawaari ayaa xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya joogay tan iyo August 2012, iyadoo xilkan mar labaad loo doortay bishii January ee sanadkii tagey 2017.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM