Jawaari oo xaqiijiyay in uu is casilay iyo Wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa xaqiijiyay markii ugu horeysay inuu iska-casiley xilka Gudoomiyaha Gollaha Shacabka, ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Jawaari oo la hadlay Idaacadda BBC-da, Laanteeda Afka Soomaaliga, ayaa sheegay inuu xilka iska casilay markii uu eegay arrimo fara badan iyo inuu dalka ka badbaadiyo burbur.

Waxuu intaasi ku daray Jawaari in kulanka maalinta Arbacada ay Xildhibaanada ku yeelan doonaan Gollaha Shacabka uu ka shaacin doono Is-casilaadiisa.

Hadalka Jawaari ayaa yimid kadib markii saaka uu ku xigeenkiisa 1aad Cabdiweli Ibraahim Muudey uu kahor akhriyay Xildhibaanada warqadda Iscasilaadda Jawaari, xilli lagu waday maanta in cod loo qaado Mooshinka.

Go'aanka Jawaari uu qaatey ayaa soo afjaraya Xiisadda Siyaasadeed oo mudo ka badan hal bil ka taagnayd magaalada Muqdisho, taasi oo u dhaxaysay Xildhibaanada Gollaha Shacabka, oo ku kala qeybsamay Mooshinka la keenay bishii lasoo dhaafay.

Jawaari ayaa xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya joogay tan iyo August 2012, iyadoo xilkan mar labaad loo doortay bishii January ee sanadkii tagey 2017.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Colaadda Gobolka Gedo: Dagaal culus oo dib uga qarxay Beled-Xaawo

Goob-joogayaal ayaa soo sheegay in dagaalku uu ahaa mid culus, iyadoo la isku adeegsaday hubka culus sida madaafiicda.

  • Soomaliya

    29-07-2025

  • 12:13PM

Soomaaliya: Sidee Ku Bilowday Dagaalka Doolow? Yey Ahaayeen Dhinacyadii dagaalamey?

Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli khilaafka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo Jubaland…

  • Soomaliya

    28-07-2025

  • 09:36PM