Jeedinta Khudbadaha murashaxiinta Wajiga 2aad oo lasoo afmeeray
MUQDISHU, Somalia- Waxaa imminka lasoo afmeeray jeedinta khudbadaha murashaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Somalia ay kusoo bandhigayeen wax-qabadkooda iyo taarikh nololeedkooda.
7 murashax ayaa maanta hortagay golaha wakiillada Somalia, inkastoo qorshuhu 8 ahaa balse uu tanaasulay murashax lagu magacaabo Cabdullaahi Cali Xasan.
Murashaxiinta kala ah; Cabdinaasir Cabdulle Maxamed, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole), Cabdullaahi Cali Axmed (Cadow Cali Gees), Cabdullaahi Cali Xasan, Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi, Cabdulqaadir Cosoble Cali iyo Cali Xaaji Warsame ayaa hortagay golaha Barlamanka labada Aqal ee Somalia.
Murashax kasta wuxuu soo bandhigay wax-qabadkiisa ku aadan hadii loo doorto Madaxweynaha Somalia afarta Sano ee soo socota.
Waxay aad ugu dheeraadeen in xukuumadda waqtigeedu dhammaaday kufashilantay hogaaminta Somalia iyo u adeegidda shacabka gaar ahaan arrimaha Waxbarashada, Caafimaadka iyo Amniga.
Waxay sidoo kale tilmaameen in haddii la doorto wax ka qaban doonaan dhammaan baahida shacabka iyagoo xusay in xukuumadda ay soo dhisi doonaan noqoto mid ay iska dhex arkaan bulshada Somaliyeed oo idil.
Xubnaha ayaa sidoo kale ku cel-celiyay inay dhisi doonaan ciidamo Qaran oo badala kuwa AMISOM.
Murashax Cali Xaaji Warsame ayaa Barlamanka ka hor ballanqaaday inuusan isa soo sharaxi doonin mar kale hadii loo doorto Madaxweynaha Somalia 4 sano ee soo socota.
Cabdiraxmaan Ducale Bayle oo ah Guddoomiyaha guddiga doorashada Madaxweynaha Somalia, ayaa goobta ka tiriyay tix gabay ah oo uga hadlay wadaniyadda iyo qaabkii dalka looga saari lahaa dhibka uu mudada dheer ku jiray.
Guddoomiyaha Barlamanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa kulanka maanta soo xiray, wuxuuna sheegay inuu maalinta barri ah lasoo afmeeri doono khudbad jeedinta murashaxiinta, isagoo tilmaamay in waqti hore la yimaado si howlaha horay loogusii gudo galo.
GAROWEONLINE