Jeneraal Galaal oo ku dhintay weerarka Afrik hotel

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Jeneraal Maxamed Nuur Galaal, oo kamid ahaa Saraakiishii Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay inuu kamid yahay dadkii lagu dilay weerarka Afrik hotel.

AUN Jeneraal Galaal waxaa la sheegay in markii hore laga soo badbaadey hotel-ka, laakiin saacado kadib uu u dhintay dhaawac soo gaarey, sidda ay xaqiijinayaan illo xog ogaal ah.

Rag hubeysan ayaa gudaha galay kadib markii qarax ay kusoo furteen albaabka hotel-ka abaare 11 saac galabnimo Axadii shalay, iyadoo xiligaas gudaha ay ku sugnaayeen Mas'uuliyiin dowladeed, taliyeyaal Ciidan iyo Xildhibaanno.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Odayaasha Beelaha Hawiye ay ku shirayeen hotel-ka, kuwaasoo ka hadlayay arrimaha maamul u sameynta gobolka Banaadir, oo dood ay ka taagan tahay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka Afrika hotel oo dhacay xilli mid kamid ah safaaradaha degan Xalane ay bixisay digniin la xiriirta in 72 gudahooda Al-Shabaab qarax uga fulinayso Muqdisho.

Dowladda federaalka ayaan si degdeg ah uga jawaabin digniinta oo si weyn loogu faafiyey baraha bulshadda loona gudbiyey siyaasiyiinta iyo musharaxiinta madaxtinimadda.

Jeneraal Galaal ayaa dowladdii Cali Mahdi ee 1991-kii ka noqday Wasiirka Gaashaandhigga, isagoo taliyaha Ciidanka ka noqday dowladdii KMG ee C/qaasim Salaad Xasan, ee lagu soo dhisay Carta 2000-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM