Jeneraal Xuud oo diiday in Cali Guudlaawe tago Baledweyne

Image
Hadalka Xuud ayaa kusoo aadaya iyadoo xalay magaalada Baladweyne lagusoo daadiyay ciidamo

BELEDWAYNE, HirShabelle – Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud ayaa dalbaday in si degdeg ah looga saaro ciidamada ku sugan guddaha magaalada Baladweyne, isagoo sheegay wixii ka dhasha inuu qaadayo madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Jeneraal Xuud oo xalay warbaahinta kula hadlayay magaalada Muqdisho wuxuu kasoo horjeestay in Cali Guudlaawe uu tago magaalada Baladwene, wuxuuna beeniyay inuu jiro wax heshiis ah oo dhexmaray isaga iyo Hirshabeelle.

"Shalay waxaan diidnay Cali Guudlaawe inuu yimaado Baladweyne, maantana waan diidannahay. Wax wada hadal ah iyo wax na dhexmaray midna majirto. Sidee isagoo xaqayagii haysta uu noogu imaan karaa ma kibirbaa," ayuu yiri Jeneraal Xuud.

Xuud ayaa kula taliyay madaxda maamulka Hirshabeelle in ciidanka laga saaro guddaha magaaladda Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan laguna celiyo xerada Lamagalaay ee milatarigu ku leeyahay duleedka xurunta gobolka Hiiraan.

Jeneraal Xuud wuxuu tilmaamay go’aanka reer Hiiraan inuu yahay. in Cali Guudlaawe aanu tegin Baladweyne, haddii uu tagana uu mas'uul ka yahay wixii dhibaato ah oo halkaas ka dhaca.

"Dhibaatada caawa magaalada taalla iyo ciidamada aad kusoo deyseen ka saara, lama-galaay dib ku celiya. Haddaad wada hadal diidaan, idinkoo masuuliyiin ah, sidaad wada hadal ah ku qaadataan baa naqaanaa," ayuu yiri Jeneraal Xuud.

Hoggaamiyaha kacdoonka Hiiraan ayaa sheegay in uusan la laalaaban doonin go’aankiisa ah in madaxweynaha Hirshabeelle uusan tagi Karin xurunta gobolka Hiiraan hadii uu isku dayana uu qaadayo talaabo laga shalaayo.

Hadalka Xuud ayaa kusoo aadaya iyadoo xalay magaalada Baladweyne lagusoo daadiyay ciidamo aad u fara badan, lana filayo inuu halkaas gaaro madaxweynaha Hirshabeelle iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) oo ah hogaamiyaha Malleeshiyo diidan Maamulka HirShabelle oo ku sugnaa duleedka Magaalada Beledweyne, ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa dhawaan la keenay Muqdisho, isagoo uu la socdo taliyaha ciidanka Lugta Soomaaliya Jen Biixi, balse waxaa muuqata in aan wali xal laga gaarin xiisada gobolka Hiiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM