Jeneral Caanood oo ka hadlay wararka sheegaya inuu goostay

Image

MARKA, Soomaaliya - Abaanduulihii hore ee ciidanka xooga dalka, Jeneral Cabdullaahi Cali Caanood, oo uu xil qaadis ku sameeyay Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa wuxuu ka hadlay xilka qaadistii lagu sameeyay.

Jeneraalka ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu goostay markii xilka laga qaadey, isagoo hoosta ka xariiqay in xilka uu yahay meerto, sidaasi darteedna uu diyaar u yahay inuu ku wareejiyo mas'uulka cusub ee uu Madaxweynaha usoo magacaabay.

Wuxuu tilmaamay Caanood inuu soo dhaweynayo, islamarkaana uu diyaar uyahay inuu xilka ku wareejiyo sidii isagaba loogu wareejiyay markii masuulkii xilkaan kaga horeeyay uu ugu dhiibay, isaga oo beeniyay inuu ka goos adeegay.

Caanood oo haatan ku sugan magaaladda Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo ciidamo daacad u ah ay kala wareegeen xoogaga Al-Shabaab ayaa sidoo kale beeniyay wararka sheegaya inuu la goostay ciidamo, uuna Jabhadeynayo.

Isagoo khadka Telafoonka ugu waramayay Warsidaha Garowe Online, xafiiska Muqdisho ayuu tilmaamay Janaraal Caanood inuu xilka wareejin doono howlgal uu sheegay inay haatan wadaan, islamarkaana aanan waxba ka jirin wararka laga baahinayo.

"Ma jiro wax xilka qaadis oo aan ka carooday, mana jirto inaan sameysanayo Jabhad oo aan ciidamo la goostay, waan soo dhaweynayaa xilka qaadista, waana wareejin doonaa marka howlgalku idlaado," ayuu yiri Jeneral Caanood.

Saacadihii u dambeeyay waxaa xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa magaaladda Marka tan iyo markii ay saaka qabsadeen ciidanka Milatariga Soomaaliya, waxaana ka dhacay qaraxyo dhimasho sababay. [Halkan ka akhri Warka]

Sikastaba, Jeneral Odowaa Cabdullaahi Yuusuf Raage ayaa waxaa loo magacaabay Abaanduulaha ciidanka xooga dalka Soomaaliya, kaasoo ah shaqsi dhalinyaro ah, waxaana lagu wadaa inuu xilka la wareego maalmaha fooda nagu soo haysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM