Jidad laami ah oo maanta xarigga laga jarey Garowe iyo Bosaso

Image
Image
Image
Image
Image

March 10, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta  si rasmi ah xarigga uga jaray labo waddo oo laami ah oo laga hirgeliyey caasimadda Puntland ee Garowe.

Labadan jid ayaa Madaxweynuhu wuxuu dhagax dhigey sanadkii hore ee 2014, waxaana lagu fuliyey mashruuca horumarinta degmooyinka JPLG ee ka soconaya qaar kamid ah degmooyinka waaweyn ee Puntland.

Gaas oo munaasabadii furitaanka si kooban uga hadlay wuxuu lagama maarmaan ku tilmaamay dhismaha jidadka oo halbowle u ah koboca dhaqaalaha, isu socodka dadka iyo gaadiida; iyo weliba kor u qaadista bilicda caasimada.

Duqa Garowe Cabdicasiis Nuur Cilmi Koor oo isna goobta ka hadlay ayaa bulshada ugu baaqay inay ilaashadaan waddooyinka maadama ay yihiin hanti dadka oo dhan ka dhexeysa si guudna loogu wada manaafacaadsanayo.

Dhanka kale, waxaa isla maanta xarigga laga jaray jid laami la saarey oo isku xira madaxtooyada Bosaso iyo suuqa, jidkan oo horay loo oran jirey Netco dhererkiisuna yahay 2km waxaa loo bixiyey magac cusub oo ah Benderqasim.

Munaasabaddii lagu furayey jidkan waxaa kasoo qayb galay wasiirro, xildhibaanno, maamulka gobolka Bari, maamulka degmada Bosaso iyo weliba xubno metelayey qaybaha kala duwan ee bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM