​JIG-JIGA: 15 ruux oo ku dhimatay fatahaad

Image

Ugu yaraan 15 qof ayaa dhintay, 100 qof oo kalena waxaa la dhigay cusbitaallada magalada Jig-jiga xarunta ismaamulka Somalida Ethiopia, kadib daadad xooggan oo soo galay magalada. 

Warar kale oo aan helnay ayaa dhimashada ka dhigaya 23 ruux iyagoo dhaawacana intaasi ka badan la sheegay. 

Dadka isbitaalada la dhigay ee gaaraya illaa 100 qof, ayaa isugu jira ciidankii Samatabixinta iyo dadkii deganaa hareeraha webiga. 

Wasiirka ka hortagga masiibooyinka iyo u diyaargarawga ee dawladda deegaanka Soomaalida Itoobiya, Maxamed Daahir Ismaaciil ayaa VOA-da u sheegay in sidoo kale ay jiraan sideed qof oo weli la la’ yahay nolol iyo geeri. 

Daadanka ayaa yimi meelo badan oo DDSI kamid ah ka da'een roobab. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM