Joe Biden oo Soomaaliya ka saaraya liis madow uu Donald Trump geliyey

Image

WASHINGTON, US – Murashax xisbiga dimuqraadiga, John Biden, ayaa hadii loo doorto madaxweynaha Mareykanka wuxuu wadamo ay ku jirto Soomaaliya ka qaadayaa xayiraadda dhanka socdaalka, sidda uu sheegay machad.

Tani ayaa waxay la macno tahay in uu dib u eegis ku sameyn doono Siyaasadda Socdaalka waddanka Mareykanka taasoo uu bedelay madaxweynaha xafiiska jooga ahna murashaxa xisbiga Jamhuuriga ee Donald Trump.

Bishii Febraayo, sanadkii 2017-kii ayay ahayd markii uu Trump soo saarey xayiraadaas in ay u safraan Mareykanka looga mamnuucay muwaadiniinta wadamada; Ciraaq, Iiraan, Liibiya, Soomaaliya iyo Yemen.

Aqalka Cad ayaa xayiraadaas wuxuu qiil kaga dhigay in wadamadan ay ku xoogan yihiin urur argagixiso oo gacansaarka la leh ururka Al-Qaacida.

Horaantii sanadkan 2020, Trump wuxuu liiskan madow ku kordhiyey dalalka Myanmar, Nigeria, Eritrea, Sudan, Tanzania, iyo Kyrgyzstan

Machadka Heritage Foundation oo warbixin daabacay ayaa sidoo kale wuxuu tibaaxay in Biden uu gudbin doono soo jeedin ay muwaadinimada Mareykanka ku helayaan 11 milyan oo muhaajiriinta aan sharciga haysan ah.

Sidda ku xusan warbixinta machadkan, Biden wuxuu sidoo kale meesha ka saari doonaa isku dayga Trump ee uu ku doonayo in uu ku baabi'iyo barnaamijka waalidiinta u ogolaanaya in caruurtooda haystaan marka USA galaan.

Doorashooyinka madaxtinimada Mareykanka ayaa loo balansan yahay 3-da November iyaddoo lasoo wariyey in codadkooda ay mar sii horeysay dhiibteen dad lagu sheegay 50 milyan, waxaana harsan tirro kale oo aad u balaaran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM