​JOWHAR: Is-rasaasayn dhexmartay ciidanka dowladda oo dhimasho sababtay

Image

JOWHAR, Somalia- Iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamo katirsan dowaldda Somalia, ayaa xalay ka dhacday degmada Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Ciidamadan ayaa ku dagaallamay xaafad lagu magacaabo Kulmis, waxaana inta la xaqiijiyay dhintay labo Askari iyadoo ay dhaawacmeen Afar kale.

Mid kamid ah ragga dhintay ayaa katirsanaa ilaaladda Guddoomiyaha degmada Jowhar.

Ciidamada dagaallamay ayaa isku fahmi waayay howlo la xiriira baaritaan ay wadeen Booliisku, waxaana is-hortaag ku sameeyay ilaaladda Guddoomiyaha Jowhar.

Warar kale oo ku xeeran dhacdadaasi ayaa sheegaya in labada ciidan dagaallameen kadib markii uu soo kala dhex-galay kala shaki iyo fahamwaa.

Majirto ilaa hadda cid kahadashay dhacdadan oo lagusoo beegay xilli la sheegay in aad loo adkeeyay amniga magaaladaas oo kasocdo shirka maamul u samaynta Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Jowhar, ayaa muddooyinkii dambe daganayd, waxaana horaantii bishii hore lagusoo daad gureeyay ciidamo Booliis ah oo laga keenay caasumadda Somalia, kuwaasoo la sheegay inay sugayaan ammaanka degmada inta uu socdo shirka maamulka loogu dhisayo labada gobol.

GAROWEONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo billowday ololaha oorashadda Gudoomiyaha cusub ee Gollaha Shacabka

Qaar kamid ah siyaasiyiinta damacsan xilalka cusub ayaa sidoo kale wajahaya caqabado gudaha beelahooda ah.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 05:37AM

Beesha caalamka oo wadahadallo la yeelatay mucaaradka si loo xalliyo ismari-waaga doorashada

Ka qaybgalka Deni iyo Madoobe ayaa muujinaysa doorka muhiimka ah ee Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka ay ku leeyihiin wadatashiyadan

  • Soomaliya

    18-05-2026

  • 02:18PM