JOWHAR: Xubno aad ugu dhow Xasan Sheekh oo Aqalka hoose kusoo baxay
JOWHAR, Somalia- Waxaa goordhow lasoo afmeeray doorashada Aqalka hoose, wajiga koowaad ee kasocotay magaalada Jowhar xarunta maamulka Hir-Shabeelle iyadoo lagu doortay xubno aad ugu dhow madaxtooyada Villa Somalia ee Muqdishu.
Dadka soo baxay waxaa ku jiray, Wasiirkii hore Cadaaladda Somalia, Faarax Cabdulqaadir oo ay saaxiib dhow yihiin Madaxweynaha Waqtigu ka dhammaaday Xasan Sheekh, isagoo la tartamay labo murashax oo mid kamid ah Adeer u yahay.
Mudane Cabdiqaadir ayaa muddo dadaal ugu jiray sidii uu booskan ku heli lahaa, waxaana ku taageerayay Xasan Sheekh isagoo xitaa sidii uu usoo bixi lahaa ninkan faro galin ku sameeyay arrimaha qabiilka uu kasoo jeedo, kadib markii uu loollan adag kala kulmay nin kale oo booskan raadinayay.
Cabdullaahi Maxamed Cali [Sanbaloolshe], wuxuu sidoo kale kusoo baxya kursi kamid ah kuwa beesha Xawaadle ee degmada Jowhar, isagoo ka guulaystay Cabdifataax Xasan Afrax Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan.
Ninkan saaxiibka la ah madaxweynaha Somalia, ayaa dhawaan loo magacaabay Safiirka Somalia u fadhiya Turkiga.
Wasiirka Amniga xukuumadda Waqtigeedu dhammaaday Cabdirasaaq Cumar Maxamed, ayaa isna kusoo baxay kursi kamid ah kuwa beesha Xawaadle, kadib markii uu ka guulaystay Tartame maqaar saar ah.
Khatiijo Maxamed Diiriye, ayaa iyaduna doorashada kusoo baxday, waxayna heshay codad aqlabiyad leh, waxayna guushani ugu dhigantahay inay siyaasadda ku jirto in kabadan 10 sano oo xiriir ah.
Maxamed Xasan Qoono oo isna muddo soo ahaa Xildhibaan heer Federaal ayaa doorashada Jowhar maanta kusoo baxay, kadib markii uu ka guulaystay labada murashax ee kala ahaa; Bishaar Xasan Xirsi iyo Cabdicasiis Xasan Camalow
Maanta ayaa qorshuhu yahay in degmada Jowhar lagu doorto 13 Xildhibaan, waxaana ragga soo baxay dhinaca Hir-Shabeelle, dhammaantood taageero u yihiin mabda'a iyo siyaasadda Xasan Sheekh.
GAROWEONLINE