Jubaland iyo Beesha Caalamka oo is-afgarad ka gaarey doorashada

Image
Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan kula qaatay hab maqal iyo muuqaal ah Wakiilada beesha Caalamka u jooga Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Wakiilada Qaramada Midoobay Midowga Yurub iyo Safiirada dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Sweden, Itoobiya iyo Danjirayaal kale.

Ujeedada kulankan ayaa ahaa sidii loo dardar galin lahaa Arimaha muhiimada u leh xaalada hada lagu jiro gaar ahaan Amaanka iyo Doorashooyinka.

Masuuliyiintu waxay isla soo qaadeen sida ay ahmiyada weyn u leedahay in wada hadal lagu dhameeyo is marin waaga ka taagan Arimaha Doorashooyinka taas oo ah xalka ugu haboon ee laga gudbi karo waqtigan kala guurka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM