Jubaland iyo Kenya oo ka shiray guluf ka dhan Al-Shabaab

Image
Image
Image
Madaxweynaha Jubaland iyo Wasiirka Difaaca Kenya ayaa ku kulmay magaalada Kismaayo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa wuxuu magaaladda Kismaayo ku qaabilay Wasiirka Difaaca dalka Kenya, Aadan Barre Ducaale.

Ducaale ayaa booqasho iyo kormeer ugu yimid Ciidamada Kenya ee kamidka ah howlgalgalka ATMIS ee ka qeybqaadanaya howlagalada dhawaan ka bilaabanaya deegaanada Jubaland.

Labada mas'uul ayaa, sidda ay sheegtay Madaxtooyadda Jubaland, waxay ka wada hadleen diyaar garoowga loogu jiro sidii loo bilaabi lahaa howlgalka Kooxda Al-Shabaab lagaga saarayo deegaanada Jubaland iyo tageerada Ciidamada Dowlada Kenya ee ka midka ah howlgalka ATMIS ee qeybta ka ah howlgalada dhawaan bilaabanaya.

"Madaxweynaha iyo Wasiirka ayaa si qoto dheer u lafa guray sidii looga wada shaqayn lahaa amniga xuduudaha mudada ay socdaan howlgaladan," ayaa lagu soo xiray bayaanka.

Kenya ayaa dano istaraatiijiyadeed ka leh Jubaland. Safarkan wuxuu imaanayaa xilli Itoobiya ay xoojisay galaagankeeda gobolka Gedo halkaasoo ay tageen xubno mucaaradsan Axmed Madoobe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM