Jubaland: Kuraasta taala Gedo lagama reebi karo doorashada guud

Image
Madaxweynaha Jubaland ayaa taageeray go'aanka lagu wareejiyay degaan doorashadda labaad.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam, ayaa soo dhaweeyay go’aanka guddiga doorashooyinka heer Federaalka ee lagu dardar galinayo doorashooyinka deegaan doorashada labaad ee Jubaland.

Axmed Madoobe ayaa tilmaamay "in uu mar kale ku celinayo hadalkiisi ahaa inaan kuraasta taala gobolka Gedo laga reebaynin doorashooyinka guud ee dalka isla markana ay lagama maarmaan tahay qabashada kuraasta gobolkaas taala si dadka deegaanka ay u helaan matalaad dhab ah".

Waxaa kale oo Madaxweynahu sheegay in mar walba ay muhiim tahay in gobolkaas ay kasoo baxaan Xildhibaano ku yimid rabitaanka bulshada deegaanka isla markana aan meel kale oo gobolka ahayn aan loo rari karin doorashada taasna ay qasabtay in laga wareejiyo Garbahaareey maadaama ayna ka jirin kalsooni iyo xasilooni halkaas doorasho lagaga qaban karo iyo hay’ado amni oo damaanad qaadi kara Nabadgalyada dadweynaha iyo ergooyinka halkaas tagi lahaa.

Madaxweynaha ayaa ku booriyay guddiyada doorashooyinka ee kala duwan inay sida ugu dhakhsiyaha badan kusoo gaba gabeeyaan doorashooyinka xildhibaanada ee deegaan doorashada labaad ee Jubaland si looga faa’iidaysto wakhtiga oo dib u dhac kale aanu u iman.

Gaba gabadii, Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dadweynaha ku nool Magaalada Ceelwaaq inay kala shaqeeyaan Hay’adaha amniga Nabadgalyada deegaanka iyo soo dhawaynta martida iyo ergooyinka ka qeyb qaadanaya doorashooyinkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Uganda oo ku dilay 30 Al-Shabaab Koonfurta Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan 16 sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-01-2026

  • 05:21PM

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM