Jubaland: Maamulka kaliya ee Xasan Sheekh uusan wali booqan

Image
Dowlad goboleedyadda kale - Puntland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle - ayuu madaxwaynuhu tagay marar kala duwan.

KISMAAYO, Jubaland - Jubaland ayaa noqotey maamulka kaliya ee wali uusan booqan madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud tan iyo markii dib loo doortey 15-kii May ee sanadkan sii dhamaanaya 2022-da.

Dhamaan dowlad goboleedyadda kale sidda Puntland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle ayuu Xasan Sheekh tagay marar kala duwan isaga oo wadahadalo la yeeshay madaxda maamuladaas.

Lama ogga sababta uusan wali ugu socdaalin Jubaland oo gobol dhan ay ka maamusho Al-Shabaab isla markaana madaxwayne Axmed Madoobe uusan wali bilaaban howlgalada ka dhanka ah kooxda.

Warar ayaa sheegaya in Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe aysan wali isku-aragti ka noqon dhowr arrimood sida qaabka loo maareynayo qadiyada gobolka Gedo iyo ciidanka xoogga ee jooga Jubooyinka.

Markii ugu dambeysay uu Axmed Madoobe meel fagaaro lagu arko waxa ay ahayd 28-dii Nofeembar, xiligaas oo isaga oo wasiirka gaashaandhiga federaalka iyo taliyaha xoogga dalka ay kala qeybgaleen "dhoolatus kale" oo ciidamo loogu sameeyay Kismaayo. 

Dhoolatuskaas oo isaga oo kale horey loo sameeyay marar aad u badan ayay ahayd in uu kasoo qeybgalo madaxweyne Xasan Sheekh si uu ugu dhawaaqo gulufka ka dhanka ah argagixisada.

Habeen kadib maalintaasi, Axmed Madoobe ayaa soo saaray magacaabis ay kamid ahaayeen taliyeyaasha ciidamada, subixii xigayna waxa uu u duulay Kenya, kadibna wuxuu uga sii gudbay dalka Imaaraadka. 

Sida ay wararku sheegayaan, Axmed Madoobe ayaa Imaaraadka booqday wax ka badan 6 jeer sanadkan oo kaliya. Fahfaahinada qaar ayaa xusaya in ujeedada socdaalkiisa ay qeyb ka tahay "arrimo caafimaad".

Axmed Madoobe ayaa, sidda xogtu muujineyso, waxa uu dib-u-dhigay isku-shaandhayn golihiisa wasiiradda, waxaana jira shaqooyin badan oo isaga u xayiran sida boosas shaqo oo la buuxin lahaa.

Maqnaanshihiisa ayaa imanaya xilli ay furumaha hore ku jiraan madaxweynayaasha dhiggiisa ah sida kan Galmudug iyo kan Hirshabeelle, dagaalamayaasha Alshabaabna usoo qaxayaan dhanka Jubbaland.

Waxaa kale oo jira qalalaase siyaasadeed oo ka taagan gobolka Gedo, halkaas oo xaalaha isu badelayaan si xawli ah. Waa u dambeysay, taliyihii nabad-sugida gobolka Bakaal Kooke oo lagu khaarijiyey qarax miino.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay in la jabsaday xogta E-Visa, Go'aan cusubna soo saartay

Afhayeen u hadlay HSJ ayaa sheegay in dowladda federaalku ay durbaba magacaawday guddi gaar ah oo isugu jira hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    16-11-2025

  • 03:28PM

Sirdoonka Ajnabiga oo ka Cararay Muqdisho Kadib Jabsi Xogeed oo lagu Sameeyay Nidaamka E-VISA

Dhacdadan ayaa ka dhalatay xumaan xiriirka ka dhaxaysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah.

  • Soomaliya

    16-11-2025

  • 12:53PM