Jubaland oo billowdey doorashadda kuraastii ugu horeysay Aqalka Hoose

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Maamulka Jubaland ayaa Maanta si rasmi ah u billaabey doorashadda kuraastii ugu horeysay ee Gollaha Shacabka xili dalka ay kasoo cusboonaatey xiisad siyaasadeed oo u dhaxaysay Farmaajo iyo Rooble.

Xamse Cabdi Barre ayaa ku soo baxay Kursi 1aad, waxaana uu helay 69 cod, halka musharaxa la tartamay Axmed Maxamed Maxamuud uu helay 17 cod, waxaa hallaabay 15 cod, sida uu ku dhawaaqey gudiga doorashadda heer maamulka Goboleed ee Jubaland.

Xamse ayaa ahaa Guddoomiyihii Guddiga Madaxa bannaan ee doorashada iyo xuduudaha Jubaland, waxaana guushiisa ka dhigan tahay daah-furka doorashadda Aqalka Hoose ee Jubaland, oo mudo la sugayay.

Cabdirashiid Jirre Qalinle ayaa ku guuleystay kursiga 2aad ee HOP82 ee Gollaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Wuxuu helay 75 cod, halka Siyaad Aaden Iidle oo la tartamayey uu helay 20 cod.

Puntland ayaa dhiman, oo lagu wado inay dhawaan billowdo doorashadda Gollaha Shacabka, oo mudo dib u dhac ku yimid, iyadoo ka gudubtay waqtigii loogu tala-galay, oo ahayd in lagu soo afjaro bishan dhamaadka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM