Jubaland oo sheegtay in ay fashilisay "weerar argagixiso"

Image
Image

KISMAAYO, Jubaland – Hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka Jubaland ayaa Isniinta maanta ah waxay shaaca ka dhigtey in ay fashilisay weerar argagixiso oo lagu dhex-maleegay magaala madaxda kumeelgaarka ah ee Kismaayo.

War qoraal ah oo lagu daabacay barta Facebook ee NISA-Jubaland ayaa lagu sheegay in weerarkaas la qorsheeyay in loo adeegsado qarax miino oo lagu rakibo gaari uu leeyahay mid kamid ah ganacsatada magaalada.

Balse, hay'adda ayaan soo bandhigin magaca ganacsadaha la doonayey in la khaarijiyo iyo kooxda rasmi ahaan ka dambeysay weerarkaas.

War-saxaafadeedka ayaan lagu kala caddeyn hadii qarax miino ee ay fashiliyeen ay gacanta kusoo dhigeen shaqsiyaadkii isku-dabariday.

"Hay'adda Sirdoonka & Nabadsugida Jubaland ayaa Fiidnimadii xalay fashilisay Miino nooca Gaadiidka lagu dhajiyo ah oo lagu xiray gaari uu lahaa mid kamid ah ganacsatada Magaalada Kismaayo. Waxaana lagu guuleystay in laga furo miinadii iyada ooo aan waxba soo gaarin gaarigii," ayay tiri Hay'adda.

Dagaalameyaasha Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakadda argagixisada ah ee Al-Qaacida ayaa aalaaba weeraro ka fulisay Jubbooyinka.

Howlgalka lagu fashiliyey weerarkan ayaa qayb ka ah dhaqdhaqaaqyo muddooyinkii dambe ay wadeen ciidamadda Jubaland kuwaasoo ujeedkoodu yahay in lagu adkeeyo nabad-gelyada kahor doorashooyinka heer Qaran ee 2020-21.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo aqbalay ka-qaybgalka madasha wadahadalka qaran ee Muqdisho

Khilaafaad siyaasadeed iyo kuwo dastuur oo sii xoogeysanaya, kana taagan dhismaha dowladnimada iyo hab-maamulka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 12:16PM

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Macdanta Soomaaliya

Qeybsiga iyo maamulka Khayraadka dalka ayaa ah mid wali aan heshiis lagu ahayn, oo dowladda iyo Maamulada Federaalka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:32AM