Jubaland: Sugida ammaanka doorashadda oo laga shiray

Image
Image
Image
Image
Maamulka madaxwayne Axmed Madoobe ayaa dhowaan soo saarey liis kuraas lagu tartamayo.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Jubaland, Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Lugadheere, ayaa maanta gudoomiyey kulanka golaha wasiiradda Jubaland kaas oo maanta looga hadlayey ajandayaal dhowr ah oo ay kamid ahaayeen arimaha ammaanka, siyaasada, maareynta qashinka, iyo qodoba kale.

Ugu horeeyntii, kulanka golaha wasiiradda ayaa looga hadlay oo ka warbixiyey xaalada Amniga ee guud ahaan degaanada Jubaland iyo waxyaabihii ka cusbaa todobaadkii lasoo dhaafay Wasiirka Amniga Dowladda Jubaland, Yuusuf Xuseen Cusmaan Dhuumaal.

Dhuumaal ayaa tibaaxay in dowladdu wado dadaalo kala duwan oo lagu sugayo ammaanka, gaar ahaan sugidda doorashooyinka oo meel wanaagsan ay marayaan.

Inta uu socday shirka golaha wasiirada Jubaland waxaa guddiyo loo saaray labo arrimood oo ay si weyn uga wada-doodeen golaha kuwaas oo kala ahaa, joojinta xaalufinta kalluumeysiga sharci darrada ah iyo ka-hortagga bacaha iyo qashinka si dib loogu soo celiyo bilicda degaanka.

Arimaha abaaraha iyo biyo-yarida ka jirta degaanka ayaa waxaa ka warbixiyey wasiirka biyaha iyo tamarta Jubaland, Axmed Xuseen Baraki, isagoo tibaaxay in degaanka ay wali ka jirto abaar daran waxa uu sheegay in dowlada ay wado biyo dhaamin iyo gurmadyo kale duwan oo lagula tacaalayo xaaladaha ka dhashay Abaaraha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM