Jubaland: Xildhibaan lagu diley magaalada Kismaayo

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Magaalada Kismayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland  ayaa habeenkii xaley lagu diley xildhibaan ka tirsan aqalka Barlamanka maamulkaasi.

Xildhibaanka oo lagu magacaabi jirey Cabdixakiin Jaamac Cilmi (Tima-Faras) ayaa waxaa diley koox hubeysan kuwasoo rasaas kula beegsadey goob aqalkiisa ku dhow xaafada Calanleey.

Dilka kadib, ayaa goobta waxaa gaarey ciidamada amniga maamulka Jubbaland kuwasoo sameeyay baritaano, aab wali la ogeyn natiijadiisa.

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda dilka Xildhibaanka.

Magaalada Kismaayo ayaa wayadaan waxaa wanagsanaa amnigeeda iyadoo maamulka Jubbaalnd ku guuleystey xasilinta amniga xarunta KMG ah ee maamulkaas.

Xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland ayaa dhowaan waxaa lagu qabtey kulan ay isugu yimaadeen maamulada Soomaaliya kuwasoo kasoo saarey go'aano ku aadan xaaladda dalka.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM