Jubbaland: Axmed Madoobe oo booqday furimaha dagaalka [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAYO, Somalia- Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa booqasho ku tagay deegaanka Cabdalla Biroole ee gobolka Jubbada hoose, oo dhawaan laga saarey Al shabaab.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo ay wehliyaan Saraakiil ciidan ayaa socdaal dhanka dhulka ah ku gaarey jiida dagaalka, oo uu kula kulmay ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM.

Gaadiidka gaashaaman ee ciidamada AMISOM ayaa lagu geeyay Axmed Madoobe Deegaankaas, oo 45KM dhanka Waqooyi uga beegan magaalada Kismaayo, ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Madaxweynaha ayaa Warbixino ka dhagaystay Saraakiisha iyo hogaanka ciidanka ku sugan Cabdalla Biroole, isagoo uga mahadceliyay dedaalkooda ku aadan la-dagaallanka Al shabaab.

Madoobe ayaa ku dhiira-galiyay ciidamada inay qeyb ka qaataan gurmadka abaaraha, islamarkaana ay isku furaan waddooyinka, gargaarka loo gaarsiiyo shacabka dhibaataysan.

Wuxuu xusay Madaxweynaha Jubbaland  in ciidamadu iskuu diyaariyaan howlgal military oo Al shabaab looga saarayo guud ahaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Maamulka Jubbaland ayaa dhowr jeer horey u shaaciyay duullaan ka dhan ah Al shabaab, mana jirto ilaa hadda wax ka hirgalay arrimahaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM