Jubbaland: Axmed Madoobe oo booqday furimaha dagaalka [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAYO, Somalia- Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa booqasho ku tagay deegaanka Cabdalla Biroole ee gobolka Jubbada hoose, oo dhawaan laga saarey Al shabaab.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo ay wehliyaan Saraakiil ciidan ayaa socdaal dhanka dhulka ah ku gaarey jiida dagaalka, oo uu kula kulmay ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM.

Gaadiidka gaashaaman ee ciidamada AMISOM ayaa lagu geeyay Axmed Madoobe Deegaankaas, oo 45KM dhanka Waqooyi uga beegan magaalada Kismaayo, ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Madaxweynaha ayaa Warbixino ka dhagaystay Saraakiisha iyo hogaanka ciidanka ku sugan Cabdalla Biroole, isagoo uga mahadceliyay dedaalkooda ku aadan la-dagaallanka Al shabaab.

Madoobe ayaa ku dhiira-galiyay ciidamada inay qeyb ka qaataan gurmadka abaaraha, islamarkaana ay isku furaan waddooyinka, gargaarka loo gaarsiiyo shacabka dhibaataysan.

Wuxuu xusay Madaxweynaha Jubbaland  in ciidamadu iskuu diyaariyaan howlgal military oo Al shabaab looga saarayo guud ahaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Maamulka Jubbaland ayaa dhowr jeer horey u shaaciyay duullaan ka dhan ah Al shabaab, mana jirto ilaa hadda wax ka hirgalay arrimahaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM