Jubbaland gacanta ku dhigtay ajaaniib u dhashay Iran iyo Pakistan

Image
Image
Image
Image

KISMAYO, Somalia - Saraakiisha Jubbaland ayaa kusoobandhigay Kismaayo Sagaal qof oo ajaaniib ah, kuwaasi oo lagasoo qabtey, iyagoo si sharci darri ah uga kalluumeysanayeenxeebaha Jubbada Hoose. Kalluumaysatadan ayaa kala ah Lix  u dhashey Pakistan, iyolabo kasoo jeeda dalka Iran, waxaana gacanta lagu dhigayiyagoo la socda doon yar oo howlo Jariif ah ka wadey Biyahadegmada Kudhaa.

Sarkaal u hadlay Jubbaland ayaa sheegay in raggan ay soo taagidoonaan Maxkamad ku taalla Kismaayo, si loogu qaadosharciga waxa uu ka qabo Kalluumaysiga sharci darradaXeebaha dalka Somalia. Waa markii ugu horeysay oo Jubbaland qabato Ajaaniib ka kalluumeysanaysa Xeebaha maamulkeeda. 

Jubbaland ayaa shaacisay inay kordhin doonyo howlgalladalooga hortagayo Kalluumeysiga aan sharciga ahayn, ee ay Maraakiibta iyo Doomaha shisheeye kawadaan Xeebta Jubbadahoose. 

Tan iyo burburkii dowladnimo 1991, xeebaha Somalia ayaanoqday kuwa aan lahayn cid maamusha, oo cid kasta ka kalluumaysata, sidoo kalena lagu soo daadiyo Haarida sunta ah ee Warshadaha caalamka. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM