Jubbaland: Howlgal qaraxyo lagu qabtay oo ka dhacay Kismaayo

Image

KISMAYO, Jubbaland - Ciidamada Nabad Sugidda maamulka Jubbaland ayaa gacanta ku dhigay waxyaabo qarxa iyo raggii watey kadib howlgal ay ka fuliyeen qeybo kamid ah magaalada Xeebta leh ee Kismayo.

Afhayeenka Hay'adaha amniga Jubbaland Axmed Maxamed Maxamuud (Carab), ayaa u sheegay warbaahinta in qaraxyada iyo raggii farsameynayay laga soo qabtey guri ku yaalla gudaha Kismaayo.

Wuxuu sheegay Axmed in shacabka ay siiyeen ciidamada Nabad Sugida Jubbaland xogta sahashay inay soo qabteen qaraxyadan, kuwaasi oo la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka.

"Ciidamada waxay ku guuleysteen inay kahor tagaan qaraxyo ka dhici lahaa Kismaayo, oo cadowga ay ku maleegayeen guri ku yaalla gudah magaalada," Ayuu yiri Afhayeenka Laamaha Amniga Jubbaland.

Axmed Carab fahfaahin dheeraad ah kama uusan bixin Howlgalka lagu soo qabtey Miinooyinka iyo tirada ragga ay gacanta ku dhigeen, balse waxa uu tilmaamay in warbaahinta usoo bandhigi doonaan maalmaha soo aadan.

Amniga Kismaayo ayaa mudooyinkii dambe ahaa mid aad u wanaagsan, kadib markii la xoojiyay howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka.

GAROWEONLINE


Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM