​Jubbaland: Madaxweyne ku xigeenno la magacaabay

Image

KISMAYO- Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa lagu magacaabay labo xubnood oo noqonaya madaxweyne ku-xigeennada maamulka fadhigiisu yahay magalada Kismayo.

Qoraalkan oo maanta kasoo baxay xafiiska madaxweynaha, ayaa lagu xusay in labadaasi mas'uul lagu magacaabay la tashiyo uu Axmed Madoobe, la sameeyay guddoomiyaha golaha wakiillada islamarkaana uu eegay baahida loo qabo in dhakhso loo soo dhiso golaha fulinta maamulkaasi.

Madaxweyne ku-xigeenka Koowaad ayaa loo magacaabay Maxamud Sayid Aada, halka ku-xigeenka Labaad uu noqday Cabdiqaadir Xaaji Maxamed Yusuf.

Magacaabistan ayaa kusoo beegantay xilli dhawr jeer madaxweyne Madoobe kororsaday waqtiga uu kusoo dhisi lahaa golahiisa wasiirrada, waxaana boosaska xubnaha loo magacaabay si KMG ah u haya Gen: Fartaag iyo Cabdulqaadir Lugadheere.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM