​Jubbaland oo Al Shabaab kala wareegtay xarun muhiim ah

Image

KISMAYO, Somalia- Ciidamada maamulka Jubbaland oo gacan ka helaya AMISOM, ayaa gacanta ku dhigay xarun ay sheegeen inay kooxda Shabaab ku kaydsan jireen Hubka islamarkaana kasoo abaabuli jireen weerarada ka dhacay gobolka Jubbada hoose.

Weerarkan ayaa ciidamo ku qaadeen deegaanka Beer-xaano oo u dhow magaalada Kismayo.

War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay in deegaankiisa gacanta ugu jiraan ciidamada ammaanka islamarkaana laga sifeeyay mallayshiyaadkii horey gacanta ugu hayay, waxyna intaasi raaciyeen in xarunta la qabtay ahayd goob muhiim u ah ururkaasi.

Khasaaro kala duwan ayaa weerarkaasi ka dhashay in kastoo saraakiisha ammaanka aan kasoo xiganay inaysan dhinacood wax dhib ah kala kulmin kooxdaasi.

Holwgalkan ayaa yimi maalin kadib markii ciidamada Jubbland iyo kuwa dowladda Somalia oo gacan ka helaya Maraykanka ay weerar ku qaadeen deegaanka Buulo-gaduud halkaasoo ay ku dileen 10 katirsan kooxdaasi iyagoo la wareegay gacan ku haynta magaaladaasi.

Dowladda Somalia ayaa goor sii horraysay tilmaamtay inay howlgal ka dhan ah Al Shabaab ka bilaabi doonaan gobolka Jubbada hoose, waxana magaalada Kismayo ku sugan ciidamo gaar ah oo ay leeyihiin maamulkaasi iyo kuwa NISA iyadoo dhawaan Axmed Madoobe tababar usoo xiray guutooyin si gaar ah loo tabo-baray.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hal sabab oo loo qaban waayay doorashadda gudoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli siyaasiyiinta mucaaradka ee deegaanada Koonfur Galbeed ay si adag u gacan-seyreen natiijadii hordhaca ahayd.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 12:29PM

Beesha Caalamka oo diiday doorasho hal dhinac ah oo ka dhacda Soomaaliya

Kulankan oo dhacay maalintii Isniinta ayaa waxaa fool-ka-fool uga qeyb galay qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan mucaaradka.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 09:04AM