Jubbaland oo diiday shirka ka socda Garbahaarey

Image

Khamiis, September 2014 (GO)- Maamulka Jubbaland ayaa markii ugu horaysay kahor yimi shir wada tashi lagu sheegay oo ka furmay xarunta gobalka Gado ee Gabahaarey.

Shirkan ayaa waxaa isugu yimi odayaasha beesha Sade waxana laa shaaciyey inuu yahay mid looga tashanayo aayaha beesha iyo ka qayb ahaanshaha shirka dib u heshiisiinta ee ka socda magaalada Kismaayo iyadoona wafuudii laga sugayay Gado aysan shirka Kismaayo si toos ah u imaan.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Jen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa ku tilmaamay shirka Garbahaarey mid sharci darro ah oo ay wadaan dad uu ku tilmaamay inay leeyihiin dano gaar ah.

Fartaag ayaa intaas ku daray in shirkaasi uu yahay yahay mid lagu waxyeelaynayo shir waynaha dib u heshiisiinta ee Kismaayo ka socda

Sidoo kale wasiir ku xigeenka amniga iyo arrimaha gudaha Maamulka jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa ku tilmaamay shirka Garbahaarey mid lagu abuurayo colaad hor leh oo dhex marta dadka dega gobollada Jubboyinka iyo Gedo.

Wararka soo gaaraya warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya in shirka Gado ka furmay uu kusoo wajahan yahay Col.Barre Hiiraale oo horay u qaadacday shirka Ksimaayo inuu ka qayb galo.

Gudoomiyaha Gobalka Gedo Cabdi Kaliil oo Kismaayo ku sugan ayaa isna wax laga xumaado ku tilmaamay in laga barbar furo shir ka hor imaanaya kan Kismaayo ka socda.

Shirka dib u heshiisiinta Kismaayo ayaa meel wanaagsan maraya waxana odayaasha ka qayb galayaa ay sheegeen inay muhiim tahay in laga wado hadlo tabashooyinka beelaha Jubbooyinka iyo Gado.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Muqdisho oo xiray dhalinyaro lagu eedeeyay rabshado, mucaaradka oo cambaareeyay

Waxa uu sheegay in lix dhalinyaro ah loo xiray ka qeybgalka bannaanbax nabadeed ka dhacay magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-05-2026

  • 08:06AM

Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo oo u dhexeeyay ciidanka DFS iyo kuwo taabacsan Laftagareen

Laftagareen ayaa xilka laga tuurey 30-kii Maarso 2026, kadib toddobaadyo ay jireen ismariwaayo siyaasadeed iyo isku hor imaadyo militari.

  • Soomaliya

    22-05-2026

  • 11:28AM