Jubbaland oo diiday shirka ka socda Garbahaarey

Image

Khamiis, September 2014 (GO)- Maamulka Jubbaland ayaa markii ugu horaysay kahor yimi shir wada tashi lagu sheegay oo ka furmay xarunta gobalka Gado ee Gabahaarey.

Shirkan ayaa waxaa isugu yimi odayaasha beesha Sade waxana laa shaaciyey inuu yahay mid looga tashanayo aayaha beesha iyo ka qayb ahaanshaha shirka dib u heshiisiinta ee ka socda magaalada Kismaayo iyadoona wafuudii laga sugayay Gado aysan shirka Kismaayo si toos ah u imaan.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Jen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa ku tilmaamay shirka Garbahaarey mid sharci darro ah oo ay wadaan dad uu ku tilmaamay inay leeyihiin dano gaar ah.

Fartaag ayaa intaas ku daray in shirkaasi uu yahay yahay mid lagu waxyeelaynayo shir waynaha dib u heshiisiinta ee Kismaayo ka socda

Sidoo kale wasiir ku xigeenka amniga iyo arrimaha gudaha Maamulka jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa ku tilmaamay shirka Garbahaarey mid lagu abuurayo colaad hor leh oo dhex marta dadka dega gobollada Jubboyinka iyo Gedo.

Wararka soo gaaraya warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya in shirka Gado ka furmay uu kusoo wajahan yahay Col.Barre Hiiraale oo horay u qaadacday shirka Ksimaayo inuu ka qayb galo.

Gudoomiyaha Gobalka Gedo Cabdi Kaliil oo Kismaayo ku sugan ayaa isna wax laga xumaado ku tilmaamay in laga barbar furo shir ka hor imaanaya kan Kismaayo ka socda.

Shirka dib u heshiisiinta Kismaayo ayaa meel wanaagsan maraya waxana odayaasha ka qayb galayaa ay sheegeen inay muhiim tahay in laga wado hadlo tabashooyinka beelaha Jubbooyinka iyo Gado.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xamse oo mar kale sheegay in aan lagu laaban doonin Teendhada Afasiyooni

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xalay kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ku nool dalka Kenya.

  • Soomaliya

    09-05-2024

  • 05:33AM

Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Xubnahan ayaa laga soo qabqabtay Magaalada Baydhabo iyo Deegaanada ku xeeran.

  • Soomaliya

    09-05-2024

  • 05:26AM