​Jubbaland oo dooratay Xildhibaankii ugu dambeeyay Aqalka Hoose

Image

KISMAYO, Somalia- Maamulka Jubbaland ayaa maanta oo Khamiis ah soo afjaray Doorashadii aqalka hoose, oo 08, 2016 ka billaabatay gudaha magaalada Kismaayo, ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Ibraahim Maxa'ed Xuseen, ayaa noqday Xildhibaankii ugu dambeeyay oo lagu doorto Kismaayo, isagoo ku guulaystay 47 Cod, waxaana uu soo xiray 43-ka Kursi ee Jubbaland ka heshay aqalka Hoose.

Ergayga QM ee Somalia Michael Keating, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS Cabdiraxmaan Odawaa ayaa ka qeybgalay Munaasabada lagu soo xiray Doorashada Kismaayo.

Intii ay socotay Doorashada, waxaa tartaranka laga reebay Wasiirka Batroolka Maxa'ed Ibraahim Mukhtaar, oo Gudiga Doorashada Jubbaland ku eedeeyay Laaluush bixin, Handadaan shaqaalaha Doorashada.

Jubbaland ayaa noqotay maamulkii ugu horeeyay, ee soo afjaro howsha Doorashada Aqalka Hoose.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM