Jubbaland oo sheegtay inay dishay 40 kamid ah Al-Shabaab

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa sheegaya in ciidamada maamulkiisa ay howlgal ku dileen 40 xubnood oo kamid ahaa Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay in xubnaha Al-Shabaab lagu dilay deganada Beerxaani, Kaamjaroon Araare iyo Jamaame, oo ku dhaw magaalada Kismaayo, ee xarunta KMG maamulka Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa bogaadiyay howlgaladda Ciidamada ay ka fuliyeen degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose, kuwaasi oo billow u ah Howlgal Al-Shabaab looga saarayo Jubbooyinka iyo Gedo.

Isagoo hoosta ka xariiqay in ay Ciidamada sidii loogu tala galay hawlgaladan u fuliyeen isla markana aysan wax khasaare ah dhankooda iyo dadka ra’yidka ah kasoo gaarin.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa xusay in hawlgaladan ay sii socon doonaan islamarkaana meel walba lagu beegsan doono Al-shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM