Jubbaland oo sheegtay xubno Shabaab katirsanaa ay isa soo dhiibeen

Image

GARBAHAREY, Soomaaliya - Taliska ciidamada Nabad Sugida gobolka Gedo ee maamulka Jubbaland, ayaa sheegay in ku dhawaad 10 xubnood oo katirsanaa Al Shabaab ay isa soo dhiibeen.

Cali Xasan Deeq, oo ah Taliyaha Nabad Sugida Gedo ayaa warbaahinta u sheegay in 7 illaa 8 xubnood oo kasoo goostay Al Shabaab ay dhankooda isku soo dhiibeen Todobaadkan gudahiisa.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray in kuwa isa soo dhiibay ay u gudbin doonaan magaalada Kismaayo, halkaasi oo ay ku taallo xarun lagu dhaqan-celiyo dagaalyahanada kasoo baxa Al Shabaab.

Waxa uu dhanka kale ugu baaqay kuwa ku harsan Shabaab inay ka faa'idaystaan cafiska Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, islamarkaana ka shaqeeyaan nabad iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Al Shabaab kama hadlin hadalka sheegashada Jubbaland ee ku aadan inay is dhiibeen xubno iyada katirsanaa, mana jiraan illo madax-banaan oo xaqiijinaya warka Taliyaha Nabad Sugida gobolka Gedo.

Jubbaland iyo Al Shabaab ayaa mudooyinkii dambe warbaahinta usoo bandhigayay dagaalyahano iyo Askari labada dhinac ay sheegeen in midba midka kale dhankiisa usoo goosteen.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM