Jubbaland oo war kasoo saartay weerarkii Saldhiga Sanguuni

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Maamulka Jubbaland ayaa war uu kasoo saarey weerar ku bilowday qarax gaari oo ka dhacay afaafka Saldhiga degaanka Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose, saaka oo Isniin ah.

Mukhtaar Maxamed Axmed, oo kamid ah saraakiisha ku sugneyd Saldhiga la weeraray, ee ka tirsan ciidamada maamulka Jubbaland ayaa u sheegay warbaahinta in dhankooda weerarkaan looga dilay ku dhawaad 10 askari.

Wuxuu tilmaamay in dagaalyahanada weerarka soo qaaday oo ku sheegay tiradooda illaa Afar oo uu ku jiro midkii saarnaa gaari qarxay oo uu tilmaamay inay burburiyeen kahor inta uusan Saldhiga soo gaarin, ay toogneed saddexda kale.

“Waxaan kuu sheegi karaan in Tobban kamid ah Askarta ciidamada Jubbaland lagu dilay weerarka. Halka kuwa weerarka soo qaaday oo gaaraya afar oo uu ku jiro ninkii baabuurta qarxay saarnaa, aan tooganay,” ayuu yiri Axmed.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay inay jiraan dhaawacyo soo gaarey dhanka ciidamadda Jubbaland, kuwaasoo uusan shaacin tiradooda, laakiin uu tibaaxay in loo qaaday Isbitaalada Kismaayo.

“Haa, askarta dhimatay qaarkood waxay ku dhinteen dagaal toos ah oo dhex-maray Dableyda weerarka soo qaadan, iyo ciidamada Jubbaland, khasaaraha waxaa sababay Qori wayn oo ay kusoo tuureen ciidamo badan oo hal meel wadajoogay, ka hor inta aan la qarxin baabuurka xamuulka ah,” ayuu ku daray.

Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab oo war kasoo saartay weerarkaan, waxay daboolka ka qaadeen inay ku dileen 27 kamid ah Askarta ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland, islamarkaana ay usuuragashay inay gudaha u galaan Saldhiga.

Weerarkaan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo uu hadda jiro khilaaf u dhaxeeya maamulka Jubbaland iyo dowladda Federaalka, kaasoo salka ku haya magacaabista hogaan cusub oo lo magacaabay ciidamada DF ee degaanadda Jubbaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM